Waxaan Qalinka Ku Hayaa Safaarada Rooma...Maqaal by Mohamed Aadan

  Monday December 10, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Waxaan Qalinka Ku Hayaa Safaarada Rooma...Maqaal by Mohamed Aadan .

HORUDHAC:- Alle ayaa mahad leh, Nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaate Nabigeena suubanaa Muxamed (SCW).

Dhamaan umad Soomaaliyeed ee walaalahaay ah waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka Assalamualaikum Wr Wb. Waa yahanba qoraalo ma soo daabicin mana waayin wax aan qoro ee wakhtigaa ii saamixi waayey.

Waxaa dowladdu sheegtay, ayadoo ka jawaabaysa warar ay ka heshay warbaahinta iyo muwaadiniin somaliyeed oo ka carooday tillabo khiyaamo qaran ah oo u qaadday “daniraha” somalia ee Roma,

in ay guddi wasiirro ka kooban u bixisay arrimaha dhismeyaasha safaradaha somaliyeed ee Roma iyo New York.

Waxaan isku dayeynaa in an si kooban halka ugu sheegno sida wax u jiraan:

Waxaa dad badan oo somali ah dhagahooda toos ugu dhacay mar saxafi weydiyey “danjiraha” hadddii dowladdu la ogtahay tillaabada u qaaday in u ku jawaabay in:

1. asagu yahay “danjiraha” somaliya cid kalena an wax looga baahnayn.

2. Waxaa kale oo danjirahu sheegay asagoo qurxinaya waxa u sameeyey in shirkadda laga saari karo dhismaha markii somaliyi doonto lakiin loo magdhawayo shirkadda wixii ka maqan !!!!!!!!!!!!!

3. in dhismaha safaaradda laga qaadayo xasaanadda (extraterritoriality ) loona beddelayo rug ganacsi oo caadi ah.

Haddaan xigano hadalka danjiraha oo kali ah waxaa halkaa ku cad in :

Danjiruhu haba yaratee waxba kama usan garan(ama ismoogeysiinayo sida ka soo muuqan doonta tillabboyinkiisa) waxa xilkiisu yahay iyo xadka awoodiisa amase madaxdiisu waxbay la ogtahay (tii hore ama midda hadda joogta) lakiin usan hadda doonayn in u sheego ayado ay suurto gasho waliba in u si khalad ah ama an waafi ahayn u wax ugu sheegay.

Danjire ma aha boqor iyo wax u dhaw midna sida Nurcadde u dhigayey ee waa nooc min afhayeen ah ama u gudbiye talada iyo rabitaanka dowladiisa dowlo kale. Waa qof la doonayo, wax kale iska dhaafe, xataa shirkii u galo oo macne leh in u warbixin ka siiyo madaxdiisa.

Qodobka 2aad ee kore waa meesha u “Danjiruhu” ulac noogu dhigay qobka mooska ee dhabarka looga jabayo.

Ula kac yuu uga aamusay “danjiruhu” qiimaha dib-u-soo- ceshiga dhismahu ugu kacayo qaranka somaliyeed . Waxaa looga baahnaa danjiraha in u sheego (xata qiyaas ahaan) qiimaha dib u soo celinta dhismaha safaaraddu noqon karayo. Bareer yuu uga gaabsaday arrintaa danjiruhu.

Wuxuu qariyey Danjiruhu in qiimaha dib u soo celinta dhismaha safaaraddu(haddiiba dib u soo celin shirkaddu oggolaato) u noqonayo magdhawga iskudarka maalgalinta shirkaddu hadda samaynaso(burburin, dhismo, qalabayn) +kharasha dhismuhu uga baahandoono somalida markay dib ula soo wareegeyso(burburin kale iyo dib-u dhis kale).

Kharashkaasi wuxuu noqonayaa dhawr jeer jibbaar waxa dhismaha laftigiisu joogo waxayna arrintu ku biyoshuban doontaa in daarta la iskaga daayo cidda haysata taaso ah ku talagalka dhinacyada kala ijaaranaya maanta.

Saas weeye qorshaa danjiruhu si duuduub iyo ula kac ah noo liqsiinayaa. Waa xeel sare oo ka soo maaxdey miskaxda ijaarteyaalka, Nur-na u riyaaqay oo aqbalay.

Qodobka 3aad waa u gogol xaar iyo saldhig sharciyeed loo sameeyey si dhismuhu ugu xalaaloobo si abadi ah shirkadda wax la kala gatay. Wuxuu u bedelayaa qodobkani degaan qaranka somaliyeed leeyahay mid rug ganacsi oo caadi ah oo ku taal dalka talyaaniga oo ay si buuxda u qabanayaan sharciyada talyaaniga ee ganacsiga iyo kuwa kala ijaarashada mana sahlanaanayso in ijaartaha lagu saara si dhib yar ayadoo an laga siin magdhaw xoog leh khasaaraha ka soo gaaraya rug ganacsi beelka. ”Danjire” Nur Xasan Xusein, ex xeer ilaaliye maxkamadda badbaadadu, wuu yaqaan: oraah sharciyeedka an halka ku xusayno: sheeg runta oo sheeg runta oo dhan (tell the truth and tell the whole truth). Xataa hadduusan wax badan ka aqoon diplomasiyada waxaa hubaal ah in mr Nurcadde u ABC sharciga wax ka yaqaan oo garanayo in runta oo la kala reebaa ay dambi tahay. Hadalka qabyo-qabyada ah ee Nurcadde wuxuu muujinayaa in “Danjiruhu” usan danti u arkin sheegitaanka qiimaha magdhawga laftigiisu ka dhawaajiyey waayo waxaa haddii kale kashifmi lahaa waxa u ku kacay dhibaatada an laga soo waaqsan ee ay xambaarsan yihiin.

mohamed Aadan Abdiladhiif

Alkhartoum_sudanul Xabiib

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS