Deg Deg: Gaari Walxaha qarxa laga helay Gudaha Islii
Views: 205
| Monday December 10, 2012 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
.Gaari nuuca Baska ah ayaa waxaa laga dhex helay walxaha qarxa taasi oo la aaminsan yahay in Nairobi qarax looga sameen lahaaa.
Gaarigan laga helay walxaha qarxa ayaa soo gaaray xaafada soomaalida Ee Islii Nairobi waxaana baaritaan dheer ku sameeyay ciidamada booliska waxaana ay ku arkeen waxyaaba u muuqanayay walxaha qarxa
Ilaa 3 ruux ayaa loo qabtay qalabkan qarxa in ay masuul ka ahaayeen soo gaaristiisa Nairobi kuwaasi oo dhammaanba ah Soomaali .
Qabashada waxyaabahan qarxa ayaa kusoo aadaya xili howlgallo balaaran ay ciidamada Kenya ka wadaan xaafada Islii taas oo ka danbaysay qaraxyo iyo falal kale oo amaanka kadhan ah.
wixii ku soo kordho wararkeena danbe ayaan idinku soo gudbinaynaa insha allah.
Mohamed Aadan Abdiladhiif
Warbahinta Buurhakaba.com

NO COMMENTS