Baarlamaanka oo dalbaday in la horkeeno miisaaniyada Dawlada

  Monday December 10, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Baarlamaanka oo dalbaday in la horkeeno miisaaniyada Dawlada .

Baarlamaanka soomaliya ayaa maanta fadhi ay isku yimaadeen xarunta golaha shacabka waxa ay ka hadleen qodobo badan oo ay ka mid tahay in dowlada sidii dib loogu dhisi lahaa xaruntii barlamaankii hore iyo in ay dowlada soo hor dhigto miisaaniyada ay ku shaqeyneyso inta uusan xirmin fadhiyada ay baarlamanka yeelanaayaan oo ka horsan inta ka dhiman Bishan.

Sida uu u xaqiijiyay Buurhakaba.com mid kamid ah xoghaynta gudoonka barlamanka waxaa qorshuhu ahaa in Barlamaanka hor timaado wasiirada arimaha dibada Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Adan oo ay barlamaanka horay u sheegeen in ay rabaan in ay weydiiyaan su’aalo ku saabsan safaarada soomaaliya ee Roma taasi oo la sheegay in la kireey faahfaahina laga siiyo baarlamaanka.

Balse maanta ma suurto galin in wasiirada ay baarlamanka hor imaado shir muhiim ah oo ay gudoomineysay kana dhacayay Airoborka muqdisho waxaana uu gudoonka baarlaamka Jawaari uu sheegay in ay wasiirada ay cudur daaratay balse ay baarlaamka ka sugayaan in ay qoraal ku soo gudbiso waxyaabaha kalifay in la kireeyo safaarada soomaaliya ee taliyaaniga.

Xili sii horeeyay ayay aheyd markii ay xubno ka tirsan baarlaamka ay dalbadeen in wasiirada gaashaandhiga iyo arimaha Dibada ay hor yimaadaan barlamaanka si su’aalo loo weydiiyay walina ma dhicin in midkood uu baarlamaanka hor yimaado.

Mohamed Aadan Abdiladhiif

Warbahinta Buurhakaba.com

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS