Wasiirka gaashandhiga iyo Sarakiil Katirsan Amisom Oo Gaaray Jowhar

  Monday December 10, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Wasiirka gaashandhiga iyo Sarakiil Katirsan Amisom Oo Gaaray Jowhar .Wasiirka gaashaandhiga dowlada C/xakiin X. Maxamuud Fiqi iyo saraakiil sarsare oo dhinaca ciidamada AMISOM iyo dowlada ayaa gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Wafdigan ayaa lagu wadaa in ay magaalada Jowhar kulamo kula yeeshaan saraakiisha ciidamada horkacaysa ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ee shalay la wareegay gacan ku haynta magaalada Jowhar.

Waxaana la adkeeyay ammaanka magaalada Jowhar iyadoo ciidamo badan lagu arkayo wadooyinka magaalada Jowhar. Madaxdan ayaa lagu wadaa in ay meel fagaare ah kula hadlaan shacabka ku nool magaalada Jowhar sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Sh/dhexe.

Xubnaha wafdigan ayaa noqonaya kuwii ugu horeeya ee soo gaara magaalada Jowhar tan iyo markii magaalada ay ka guurtay dowladii kumeelgaarka ahayd ee Cabdulahi Yuusuf Axmed horaantii 2006 magaalada Jowhar oo xarun u ahayd.

Mohamed Aadan Abdiladhiif
Warbahinta Buurhakaba.com

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS