Deg Deg:Alshabab Oo Isaga Baxay Degmada Cadalle
Views: 224
| Monday December 10, 2012 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
.Ururka Alshabaab ayaa isaga baxay degmada Cadale ee ka tirsan gobolka
Sh/dhexe iyadoo muddo kabadan saddex sano ay maamulayeen ururka
Alshabaab degmada Cadale.Gaadiid dagaal oo ay la socdaan ciidamo faro badan oo daacad u ah ururka Alshabaab ayaa barqanimadii maanta ka baxay degmada Cadale iyadoo aan la ogeyn halka ay ciidamadaas gaareen.
Degmada Cadale ayaa noqonaysa degmadii afaraad ee gobolka Sh/dhexe ah ee ay ciidamada Alshabaab ay isaga baxaan iyadoo aan wax dagaal kala hortagin ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliyeed.
Lama oga sababta dhabta ah ee ka dambaysa inay isaga baxaan ciidamada ururka Alshabaab degmada Cadale hase ahaatee waxaa isa soo taraya walwalka ay ka qabaan ururka Alshabaab ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada oo xarumo ka samaystay degmada Jowhar.
Degmooyinka Jowhar,Balcad iyo Mahaday ayay hore isaga baxeen ciidamada Alshabaab iyagoo aan wax dagaalo ah la gelin ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada, waxana ay saraakiisha Alshabaab ay ku tilmaameen ka bixitaanka degmooyinkaas inay tahay xeelad dagaal.
Xarunta gobolka Sh/dhexe ee Jowhar ayaa haatan u muuqata in ay noqotay xarun weyn oo ay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ka samaysteen halkaa oo ay shalay gaareen iyagoo aan wax iska caabin ah kala kulmid ururka Alshabaab.
Xaalada magaalada Jowhar ayaa haatan caadi ah iyadoo ciidamo faro badan oo dowlada ah lagu dhex arkayo magaalada mana jirto wax howgalo ah oo ay ciidamada dowlada ka bilaabeen magaalada.
Waxayna wararka ka imanaya magaalada Jowhar ay sheegayaan in nadiifin iyo dayactir lagu bilaabay xarumihii dowlada ee magaalada Jowhar.
Mohamed Aadan Abdiladhiif
Warbahinta Buurhakaba.com

NO COMMENTS