Jowhar oo Alshabaab lagala wareegey.
| Sunday December 09, 2012 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
Xarakada Alshabaab ayaa goor dhow lagala wareegey
magaalada Jowhar, xarunta gobolka Shabeelaha dhexe, xilli saakay ciidamada
Shabaabka ay dhaqdhaqaaqyo halkaasi ka wadeen.
Saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada ayaa warbaahinta u
xaqiijiyay in ciidamada dowladu ay gaareen qeybo ka mid ah degmada Mahaddaay,
iyadoo ciidamadu ay isku dayayaan in ay qabsadaan garoonka diyaaradaha Jawhar
oo 15 kilo mitir u jira degmada Mahaddaay.
Ciidamada ayaa la sheegay in ay fariisimo cusub ka sameysteen waddooyinka soo
gala Jowhar iyo kuwa ka baxaba, iyagoo sidoo kale fariisino ka sameystay
magaalada Buurane. waxeyna ciidamadu si xeeladeysan ula wareegayaan dhamaan
deegaannada hoosyimaada gobolka Sh/Dhexe.
Maxamed CAli Shitaawe
Muqdisho-Somalia

NO COMMENTS