Sheekh Umal oo Soomaalida ugu baaqey in ay is hubeeyaan.

  Sunday December 09, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Sheekh Maxamed Cabdi Umal, imaamka Masjidka Alhidaaya oo dhowaan qarax uu ka dhacay ayaa SOomaalida ku dhaqanka dalka Kenya ugu baaqey in ay is hubeeyaan.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal, imaamka Masjidka Alhidaaya oo dhowaan qarax uu ka dhacay ayaa SOomaalida ku dhaqanka dalka Kenya ugu baaqey in ay is hubeeyaan.

Sheekha oo la Hadley Jameecada ku tukada masaajidka ayaa sheegay in dhibaateyn xoogan lagu hayo shacabka Muslimiinta ah, gaar ahaan Soomaalida ku dhaqan magaalada Islii.

“Tuug ayaa jirta dooneysa in ay dhacaan xoolaha dadka Soomaaliyeed, waxay isugu jiraan Soomaali iyo Keenyaan, waa in la iska dhiciyaa” ayuu yiri Umal.

“Horta nafta waqti ayay leedahay, mar kastana waad dhimaneysaa, Kaneeco ku dhishaa iyo wax kale aad ku dhimatidaa, nafta waqti ayay leedahay, laakiin waxaa Daciiftinimo ah xoolahaaga iyo naftaada uga carar cabsi” ayuu hadalkiisa sii raaciyay,

Dhinaca kale, Wuxuu isweydiiyay haddii qaraxyada ka dhacaya ay Soomaalida ku lug leeyihiin, Maxaa keenay iminka in misaajidka qarax lagu sameeyo, “Ma Soomaalidaa qaraxan ka dambeysa”.

Maxamed Cali SHitaawe

Muqdisho-Somalia

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS