Isbaarooyin la soo dhigey Muqdisho iyo SH/hoose.
| Sunday December 09, 2012 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
Wararka laa helayo meelo kala duwan ayaa sheegaya in
isbaarooyin dib loo soo dhigey meelo ka tirsan gobolada Banaadir iyo Shabeelaha
hoose, sida ay xaqiijiyeen ilo muhiim ah.
Wararka ayaa sheegaya in isbaarooyinka meelaha dib loo
soo dhigey ay ka mid yihiin deegaanka Dharkeynley oo maleeshiyaad ay Gaadiidka
lacago kaga qaataan.
Gudoomiyaha Dharkeynley, Macalin Cabdulle oo warbaahinta
hadal siiyay ayaa sheegay in arrintan ay walaac xoogan ku heyso, dowladana ay
ka codsanayaan in ciidamo booliis ah ay geeyaan goobaha isbaarooyinka laga
qaadey.
Dhinaca kale, deegaanka Xaawo Cabdi ayaa lagu soo waramayaa in saakay la soo dhigey, kaasi oo lacago looga qaadayo gaadiidka Muqdisho iyo gobolada isaga kala gooshayo.
Maxamed Cali SHitaawe
Muqdisho-Somalia

NO COMMENTS