Wafdi la filaayo in ay Kismaayo tagaan iyo Raaskambooni oo dekeda Albaabada isugu dhuftay.
| Thursday December 06, 2012 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
Wararka laga helayo magaalada Kismaayo, xarunta gobolka
Jubbada hoose ayaa sheegaya in dhamaan howlihii dekeda magaaladaasi la
joojiyay.
Wararka ayaa sheegaya in Raaskambooni ay joojiyeen
howlihii dekeda magaalada Kismaayo, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan
sababta keentay arrintaasi.
Sidoo kale wararka waxa ay sheegayaan in wafdi caalami ah
la filaayo in ay manta gaaraan magaalada Kismaayo, ayna taasi la xiriirto
sababta loo xiray dekeda.
Saaka Maleeshiyaadka Raaskanbooni oo ay horkacayaan saraakiil ayaa gaarey Dekada kismaayo kuwaasi oo ku amrey gaadiidka sidey dhuxusha iyo kuwa kale ee xamuulka ah in banaanka looga saaro Dekada isla markaana la hakiyo dhaqdhaqaaqa Dekada sababo ay ku sheegeen wafdi soo gaaraya Magaalada Kismaayo.
Maxamed Cali SHitaawe

NO COMMENTS