Amisom oo Haween ka ganacsada gudaha xerada Xalane Sumeeyay.
| Tuesday December 04, 2012 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
Haweenkaan ayaa la sheegay inay kamid yihiin haween ku leh
goobo ganacsi xerada ugu weyn ay degan yihiin Amisom ee Xalane ee magaalada
Muqdisho.
Dumarkaan ayaa tiradooda lagu sheegay inay ahayeen ilaa 6
haween ah kuwaas oo lasoo dhigay mid kamid ah albaabada laga galo xeradaas
iyagoo aan lahayn miir ama miir daboolmay.
Qaar kamid ah wariyayaasha ayaa gaaray goobta lasoo dhigay
haweenkaan xilli la qaaday iyagoo la kulay qaar kamid ah haweenka xarumaha
ganacsiga ku leh xeradaas.
Mid kamdi ah haweenka ka ganacsada Xarunta Xalane ayaa ugu
warbixisay Dalsan Radio sida ay wax u dhaceen iyadoo sheegtay inay arkeen
haweenkaan oo wax ogaal ah lahayn iyadoo gabdhaha ay ahaayen ilaa lix gabdhood
oo ka ganacsada xerada gudaheed ayaa naloo keenay iyagooo xaaladdooda ay halis
tahay isla markaasna aan miir lahayn markaan aragnay xaaladoodana waxay naloo
ekaayeen kuwa la siiyay sun ama Kaniini.
Waa markii ugu horeeysay oo arrintaan oo kale ay dhacdo waxaana isku daynay inaan xiriir la sameyno Afhayeenka Ciidamada Amisom waana ay noo suura galiwaysay
Maxamed Cali SHitaawe
Muqdisho-SOmalia

NO COMMENTS