Odayaasha dhaqanka DigilMirifle oo Madaxweynaha kala Hadley sidii maamul loogu sameyn lahaa K/Galbeed Somaliya.
| Tuesday December 04, 2012 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
Odayaasha
dhaqanka Beelaha DigilMirifle ayaa kulan la qaatey madaxweyanaha iyo gudoomiyaha
baarlamaanka federaalka Soomaaliyeed, kaasi oo looga Hadley sidii maamul loogu
sameyn lahaa deegaanada K/Galbeed Somalia.
Malaaq
C/Raxmaan Shiino oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ka qeyb galay kulankaasi
ayaa sheegay in labada mas’uul ay kala hadleen sidii loo sameyn lahaa, loogana
miro dhalin lahaa qorshe la wadey oo la doonayo in maamul loo helo
deegaanadaasi.
Kulanka
ayaa lagu sameeyay guddi, kaasi oo diyaarin doona sidii maamul loo sameyn
lahaa.
SI kastaba, Odayaasha dhaqanka ayaa waday mudooyinkii ugu dambeeyay kulamo xoogan oo lagu qorsheynayay sidii maamul loogu sameyn lahaa deegaanada K/Galbeed Somalia.
Maxamed Cali SHitaawe
Muqdisho-SOmalia

NO COMMENTS