Gudoomiyaha Sh/Hoose oo faahfaahin ka bixiyay Qaraxii lala eegtay wasiirka Gaashaandhiga iyo dad ay u soo qabqabteen.
Views: 244
| Tuesday December 04, 2012 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose ee dowlada federaalka Soomaaliyeed C/Qaadir Siidii ayaa faahfaahin ka bixiyay qarax shalay lala eegtay wasiirka
Gudoomiyaha
gobolka Shabeelaha hoose ee dowlada federaalka Soomaaliyeed C/Qaadir Siidii
ayaa faahfaahin ka bixiyay qarax shalay lala eegtay wasiirka gaashaandhiga dowlada
federaalka iyo howl galo ay sameeyeen ciidamada dowlada.
Siidii
ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid ay sameeyeen wax uugu yeray kooxo damiir
laawayaal ah oo u adeegaya cadowga Soomaaliyeed, waa sida uu hadalka u dhigaye,
balse aanu u dhicin sidii ay doonayeen.
Wuxuu
sheegay in ciidamada dowlada ay howl galo sameeyeen, markii qaraxa uu dhacay,
ayna soo qab-qabteen dad uu sheegay in looga shakiyay inay amaanka caqabad ku
yihiin.
Dhinaca kale, Gudoomiyaha ayaa in canshuurihii ganacsiga ee gobolka ay dhowaan bilaabi doonaan.
Maxamed Cali SHitaawe

NO COMMENTS