Dagaal Culus oo Saakay ka Dhacay Deegaanka Qalimow ee gobolka Sh/dhexe

  Tuesday December 04, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Dagaal Culus oo Saakay ka Dhacay Deegaanka Qalimow ee gobolka Sh/dhexe .

Wararka naga soo gaaraayo gobolka shabeelaha dhexe ayaa sheegaayo in uu saakay barqaadii dagaal xoogan ka dhacay gobolka shabeelaha dhexe.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyey Ciidamada huwanta ee isbaheysanaayo ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Amisom dagaalka ayaa la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Dagaal ayaa biloawday kadib markii ay kooxda Alshabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ay ciidamada isbaheysanaayo ay ku leeyihiin deegaanka Qalimow oo ka tirsan shabeelaha dhexe kaas oo aan ka fogeyn magaalada jowhar ee xarunta shabeelaha dhexe.

Dagaalka ayaan la ogeyn qasaaraha ka dhashay balse dadka ku dhaqan qalimow ayaa sheegaayo in ay arkeen dadyow ilaa 4 ruux oo dhimasho ah oo dhamaan ay ahaayeen kooxaha ay dirirtu ka dhaxeyso.

Deegaanka qalimow ayaa saakay ah mid xaakiisu yahay mid kacsan oo ciidamada AMISOM ayaa waxa ay adeegsanayaan hub sida daran dooriga u dhaco ama hubka culus, waxaana soconaayo baaritaano ay sameynayaan labada ciidan ee is garabsanaayo ee ciidanka Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.

Ma jiro wax masuul ah oo ka hadlay dagaalkaan qaraar ee ka dhacay deegaanka Qalimow ee gobolka Shabeelaha Dhexe labada dhinac xili ay Alshabaab weeraro isdaba jog ah ku qaadayaan ciidamada soomaaliya eek u sugan gobolkaas.

Mohamed Aadan Abdiladhiif

Warbahinta Buurhakaba.com

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS