Baadari lagu dilay magaalada Mandhera ee Gobolka Waqooyi bari Kenya
Views: 214
| Tuesday December 04, 2012 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
.Dabley hubeysan ayaa xalay ku dilay magaalada Mandhera baadari Kenyan ah, oo madax ka ahaa kaniisad ku taal magaalada, iyadoo dilkan uu saameyn ku yeeshay dadka ku nool magaaladaas.Wararka ayaa sheegaya in baadarigan la dilay, isagoo hor fadhiyay kaniisad, waxaana si kedis ah u toogtay rag dhalinyaro ah oo markii ay rasaas huwiyeen ka cararay goobta.
Ciidamada ammaanka ayaa saaka howl galo ka wada xaafadaha Mandhera, inkastoo aanay ilaa iyo iminka jirin dad ay u qab qabteen, hadana dilalkan ayaa ah kuwo taxane ah oo ka dhacayay gobolka waqooyi bari Kenya.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka Kenya oo wali u caal la' wax ka qabashada dilalkan ku sii kordhaya magaalooyinka Kenya.
Mandhera ayaa ku taal xuduuda Kenya, waxaana ay u dhowdahay magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo oo masaafo yar un u jirta.
Mohamed Aadan Abdiladhiif
Warbahinta Buurhakaba.com

NO COMMENTS