AMISOM oo xalay madaafiic ku garaacay deegaan ka tirsan Sh/Hoose

  Tuesday December 04, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
AMISOM oo xalay madaafiic ku garaacay deegaan ka tirsan Sh/Hoose .Ciidamada AMISOM ayaa xalay dhowr madaafiic ku garaacay deegaan lagu magacaabo Dhanaane oo degmada Afgooye ka xigta dhinaca Marka, iyadoo la sheegayo in deegaankaas ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Shabaab oo gaadiidka dagaalka watay.

Wararka ayaa sheegaya in madaafiicdan oo ahaa kuwo laga riday fariisin Ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Carbiska ayaa laga maqlayay degmada Afgooye iyo deegaanada ku dhow dhow, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn hadii ay qasaare ka dhasheen.

Deegaanka la duqeeyay ayaa ahaa dhul howd ah oo looga shakiyay in Al-Shabaab ku dhuumaaleysanayeen, iyadoo aanay jirin wax war ah oo ka soo baxay AMISOM oo ku aadan duqeyntaas.

Dad ku sugan Afgooye ayaa sheegaya in xalay ay maqlayeen in ka badan 10-madfac oo ku dhacayay deegaano kaga toosan galbeed.

Sarkaal ka tirsan Maamulka Shabellaha Hoose ayaa sheegay inay jiraan duqeymaha, isla markaana goobaha la bartilmaameedsaday ay ahaayeen goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Al-Shabaab.

Duqeyntan ayaa ku soo aadeysa iyadoo labadii maalmood ee u dambeeyay kolonyo ay la socdeen wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha gudaha oo booqday Marka jidka loo galay, iyadoo weerarkii shalay uu ka dhashay dhaawacyo soo gaaray ciidamada dowladda.

MOhmed Aadan Abdiladhiif
Warbahinta Buurhakaba.com

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS