Ardayda Konfur Galbeed Oo Tageeray Qodobadii Shirkii Roma

  Monday December 03, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Ardayda Konfur Galbeed Oo Tageeray Qodobadii Shirkii Roma .

Xoghayaha Dalada Ardayda Konfur Galbeed Ee Wax Kabarta Wadanka Sudan Ayaa Bogaadiyay Qodobadii

Ka soo baxay shirkii Dhawaan ka dhacay wadanka taliyaniga Gaar ahaan casimadiisa Rooma,shirkan oo lagooga hadlayay doorka ay qurba joogta digil iyo mirifle ka qaadan karaan dhisida maamul gobaleedka koonfur galbeed somliya kaasi oo dhawaan la rajeynaayo in dhidibada loo yagleeelo.

Xoghaya Ardayda koonfur galbeed mr ibraahim maxamed yarow ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay go'aanadii ka soo baxay shirkii rooma lkn kula talshay in laga dhabeeyo fulinta qodobada oo xiligan muhiim u ah Dm.

Dhanka kale Mr yarrow ayaa wuxuu baaq udiray dhamaan jaaliyadaha Raxaweyn ee Ku kala nool dhamaan daafaha dunida haday ahaan lahayd Yurub,Amerika,Assiya Iyo Afrikaba in Ay muujiyaan tageeradooda Hiil iyo Hooba Oo ay Ka soo Baxaan Waajibaadka ka saaran Dadka Digil iyo mirifle Hormarkooda,oo uu ku sheegay in uu yahay mid muqadas ah oo aan cidana laga baryaynin, in DM ay dib Boorka isaga jafaan, Oo Ay Maamul Ay Hor kacayaan Aqoonyahano Helaan, Taasina Ay Ku imaan Karto buu Yiri Mudane Yarow in Qof Walba uu dareemo in xil kasaaran yahay hor marka Dm.

Mudane Ibrahim Maxamed yarow Oo waraysi Dheeri Siiyay Qaar kamid Ah Warbahinta Arlaadi Oo Ay kamid ahyad warbahinta Buurhakaba.com, Ayaa Wuxuu Baaq Udiray Warbahita Arlaadi Dhamaantood oo Uu ku booriyay in newskooda ubato dhanka ka hadalka Dm oo uu Sheegay in Laga Dulmiyay warbhinada kale waa sida uu yiriyee Mr yarow.

Xoghaya ayaa asna hal qabsi ka dhigtay murtidii ahayd Hadii Qaxooti Meel Lagu soo Dhaweyay Talin Lahaa Oo Dhul Boobi Lahaa, waxaa Dhul Wada Boobi lahaa buu yiri dhamaan somalida Qoxootiga ku ah qurbaha.

ugu Danbeyn mr yarow waxuu Jaaliyadaha iyo siyaasiyiinta Digil Iyo Miriflekula dardaarmay in ay ilaaliyaan midnimada, isixtiraamaan, wax-wada qabsadaan, asagoo ku adkeeyey in ay door wax ku ool ah ka qaataan dib u dhiska iyo horumariinta wadanka.

Mohamed Aadan Abdiladhiif

Warbahinta Buurhakaba.com

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS