RA'IISUL WASARAHA SOMALIYA OO KA HADLAY QORSHAHODA MUSTAQBALKA DHOW

  Monday December 03, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
RA'IISUL WASARAHA SOMALIYA OO KA HADLAY QORSHAHODA MUSTAQBALKA DHOW .

Golaha Wasiirada ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa waxaa ay ku qaateen xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa shirgudoominayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid waxaana lagu gorfeeyay arimo badan.

Waxyaabaha lagu lafa guray Shirka Golaha Wasiirada waxaa kamid ah in dib loo soo noolayn doono xerooyinkii lagu tababari jiray ciidamada sida xerada Carmo ee gobolka Bari,Garoonka Balidoogle ee gobolka Shabeelaha hoose iyo xerooyinkii kale ee loogu talagalay in lagu tababaro ciidanka Dowlada.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay kulanka Golaha wasiirada ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada dowladaa tababaro loogu bilaabi doona Xerooyinkii hore ee ciidanka ay ku tababaran jireen balse dhowr sano aan la isticmaalin.

Waxaa kale uu tibaaxay in Xerooyinkas ay dayactir ku samayn doonaan laguna xareyn doona ciidamada si sharaftooda dib loogu soo celiyo.

Mr saacid waxaa kale uu farta ku goday in wafdi balaaran oo ay horkacayaan madaxwaynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay tagi doonaan Bosaaso si loo balaariyo xiriirka Dowlada kala dhaxeeya Maamulada dalka ka jira.

Ugu dambayn ayaa waxaa Ra’iisul wasaaraha uu sheegay inay wafdi u diri doonaan magaalada Kismaayo si ay u soo o gaadaan xaalada Amaanka ee magaaladaas oo ay joogan ciidamo isku dhaf ah.

Mohamed Aadan Abdiladhiif

Warbahinta Buurhakaba.com

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS