MAAMULKA GOBOLKA SH/HOOSE OO KA WARBIXIYAY WEERAR LAGU QAADAY WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA

  Monday December 03, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
MAAMULKA GOBOLKA SH/HOOSE OO KA WARBIXIYAY WEERAR LAGU QAADAY WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA .
Maamulka Shabeelaha hoose ayaa ka warbixiyay Weerar dagaalyahano Shabaab ah ay ku qaadeen gaadiid ay wateen wafdii uu hogaaminayay Wasiirka Arimaha gudaha iyo Amniga qaranka C/xakiin Xuseen guuleed.

Gudoomiyaha gobolka shabeelaha hoose Cabduqaadir Maxamad Nuur Siidii oo la hadlay Idaacad la yiraahdo Risaala ayaa sheegay inuu jiro weerarka oo ay waxyeelo ka soo gaartay ciidamo ka tirsan dowlada iyo gawaari ay la hayeen masuuliyiinta la weeraray.

Wuxuu sheegay in masuuliyada weerarka ay Shabaab sheegteen islamar ahaantaana howlgal ay ka sameeyeen inta u dhaxaysa deeganada Buufow iyo shalanbood oo weerarka uu ka dhacay ay ku soo qabteen sadax ruux oo shabaab ka tirsan kana dambeeyay qaraxa fishilmay sida uu hadalka u dhigay.

Gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxaa ay noqotay goob lagu ugaarsado ciidamada iyo saraakiisha dowlada.
Mohamed Aadan Abdiladhiif
Warbahinta Buurhakaba.com

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS