Deg Deg: Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Markii Labaad Ka Badbaday Kamiinka Alshabab
| Monday December 03, 2012 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
.Wafdi ay la socdeen wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed iyo taliyaha ciidanka booliska Jen Shariif Sheekh Maye ayaa goordhow weerar jidgal ah lagula beegsaday xilli ay ka soo bexeen degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose oo ay xalay ku hoyden.
Wararka ayaa sheegaya in markii wafdiga iyo kolonyio gaadiid ah oo ay wateen ay ka soo dhaqaaqeen magaalada Marka qiyaastii 10-daqiiqo kadib ay la kulmeen qarax miino oo baabi;iyey baabuur ay saarnaayeen ilaalada gaarka ah ee taliyaha booliska.
Waxaa qaraxaasi ku xigay weerar fool ka fool ah oo dhexmaray ilaalada wafdiga la socotay oo isugu jirtay ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada iyo koox hubeysan oo wadada u gashay.
Wariye madax bannaan oo ku sugan magaalada Marka ayaaBuurhakaba.com u sheegay in la maqlayey hugunka baasukayaal iyo rasaasta yar yar oo lagu dagaalamayey qiyaastii nusa saac waqti dhan.
Saraakiisha ciidamada iyo wafdiga midna kama hadlin weerarkan oo goordhow ka dhacay meel u dhow deegaanka Cagaaran ee duleedka degmada Marka.
Khasaaraha la soo sheegay
Illaa hadda waxaa la soo sheegayaa in baabuur ay wateen ilaalada taliyaha booliska uu ku gubtay goobta, iyadoo 10 ka mid ah ciidanka ilaalada u ahaa taliyaha booliska ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen. Lama sheegin wax dhintay.
Wasiirka arrimaha gudaha ayaa isagu la sheegay inaysan waxba ka soo gaarin weerarkan, waxaana wafdiga ay sii wateen safarkooda ay ugu socdeen dhanka magaalada Muqdisho.
Wafdiga oo ay xubno ka yihiin wasiirka arrimaha gudaha iyo taliyaha booliska ayaa habeenkii xalay ku hoyday degmada Marka kadib markii ay shalay gaareen. Waxaana halkaasi kulamo kula soo yeesheen saraakiisha ciidamada, maamulka deegaanka iyo waxgarad ay ka wada hadleen arimaha maamulka iyo amaanka guud ahaan gobolka.
Waa weerarkii labaad oo wadada loogu galo wasiirka arrimaha gudaha iyo wafdigan iyadoo maalintii shalay sidan oo kale lagu weeraray meel u dhow deegaanka Shalanbood. Weerarkaasi waxaa sheegtay kooxda Al Shabaab.
Mohamed Aadan Abdiladhiif
Warbahinta Buurhakaba.com

NO COMMENTS