“Waxbarashada u doonta xataa dhulka shiinaha”{Maqaal Kuu Muhiim Ah}

  Friday November 23, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
“Waxbarashada u doonta xataa dhulka shiinaha”{Maqaal Kuu Muhiim Ah} .
Marka hore waxaan Salaamayaa Dhamaan Akhristayaasha Maqaalkan iyo Warbaahiyahan Caalamiga ahba, Asalamu Alaikum Waraxmatullah.

Walaalayal sida aynu wada ogsoonahay waxbarashadu waa iftiinka nolosha, waana horumarka qofkasta oo bani’aadam ah, isla markaana umad kasta ay horumar iyo barwaaqo ku gaadhi karto, waana dariiqada uu wadan waliba kula tartarmo wadamada qayrkiisa, waxbarashadu waxay leedahay faa’idooyin badan oo qofkasta dhan walba ka taabanaysa, Sida uu qofkasta nolol fiican u gaari lahaa bulshadana uga dhex muuqan lahaa isaga oo mustaqbalkiisa dhisaya sidii uu himiladiisa u hiigsan lahaa, oo dalkiisa iyo diintiisa wax ugu tari lahaa, waana tii hore loo yidhi “Aqoon La’aani waa Iftiin La’aan” oo qof aan waxba barani waa Aqal aan Waxba hoos oolin.Waxbarashadu wax ay u muhiim u tahay jiritaanka noolaha, diinteenuna wey dhirigalisay in dadku wax bartaan si ay horumar u gaaraan , inaad barato diinteena suuban waa waxa kaliya ee ku gaarsiin kara liibaan akhiro iyo aduunyadaba walooow ay diinteenu ka tagin barashada culuumta maadiga, xadiis ayaa laga weriyey Rasuulka NNKH oo ah “Waxbarashada u doonta xataa dhulka shiinaha”Oo Aan Maqalka Ugu Mgac Dhigay, xaadiiskaasi ayaaba inagaga filan muhiimada ay waxbarashad u leedahay dadka. Waxbarashada aan ka hadlayaana kaliya maaha Maadi, ee waxa ugu horaysa Cilmiga Diinteena suuban iyo barashada quraanka kariimka iyo axaadiistii nebigeena (CSW) oo aynu hablo iyo Wiilal ku barbaarino akhlaaqdeena iyo diinteena wanaagsan, waa inaynu meelkastaba aynu gaarnee aynaan dhaqankeena iyo diinteena waligeen ka tagin, waayo umad kasta waxa lagu gartaa taariikhdeeda iyo dhaqankeeda, Sidaa darted waa inaynaan iloobin oo aynu xejisanaa dhaqankeena Wanaagsan.

Hadaba aan u Soo Daadago dulucda aan u qalin qaatay , waxa soo noqonoqtay in ay dhacdo dad badan oo arday ahi ayna waxbarashda dhamaysan iyadoo ay sababtay khalad ay sameyeen markii ay go’aansanayeen waxa ay baranayaan taasoo ay doorteen waxayna ka midho-dhalin karayn ama waalidku ku jujuubay wax aanay niyad u hayn waxaanan oran karnaa niyadu waa saldhiga waxbarashada tusaale ahaan hadii qof lagu qasbo inuu barto wax aanu doonayn waxa dhacaya in aanu siin wakhti badan akhriska duruusta iyo tagista xiisadahaba taasina waxay dhaxalsiisaa inuu ka miro-dhalin waayo waxbarshada.

Waxaa kale oo dhacda in hadii ardaygu niyad u hayo xiisad ku adag uu aakhirka xiisadaasi noqon doonto mid uu aad ugu wanaagsan yahay maadama oo ay niyadaasu kenayso inuu dedaal badan geliyo xisadaas . Hadaba waxa aad u mihiim ah markuu ardaygu dooranayo takhasus inuu raaco talaabooyin kan:

1-Waa inuu nooca waxbarshada ah ee uu dooranayo uu niyad u hayaa taas ayuu ku gaadhi karaa hamigiisa waayo waxa uu qofku niyada u hayo juhdi ayuu geliyaa.

2-Waa inuu daraaseyo naftiisa si uu ogaado inuu ku fiicnaan karo maadadan uu qaatay, waxa kaloo mihiim ah maadada uu qaatay ma tahay mid gaadhsiinaysa yoolkiisa fog sida shaqada uuu doonayo inuu ka shaqeeyo mustaqbalka .

3-Inuu talo ka weydiiyo cid ka aqoon badan oo weliba maadadaas isagu hore u dhamaystay si uu wax badan uga ogaado oo uu go’aan uga qaato inuu bilaabo maadadaas iyo in kale .

4-Inuu doorto maadadii isagoo weliba ku biiraya jaamacada ugu fiican ee maadadaas bixisa ee uu awoodo. IWM

Intaasi Waa Talaabooyinka Ugu Fudud Ee Aan Isleeyahay Waxaad ku Heli Kartaa Waxbarasho kugu Sar Go’an oo Aad Mustaqbalka Miraheeda Gurato.

waxan halkan ku soo koobayaa mowduuceena waxbarashada qeybtiisa kowaad insha allah waa inoo qeybaheen danbe iyo waxtarka waxbarashada.

Wabilahi Towfiiq

Prepared by: Mohamed Aadan Abdiladhiif

Alkhartoum_Sudan

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS