Nin Aniga Yiri Rag Iska Reeb [Hab Dhaqanka Madaxweynaha Puntland]

  Saturday November 17, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Nin Aniga Yiri Rag Iska Reeb [Hab Dhaqanka Madaxweynaha Puntland] .
Dawladda Puntland waxa ay ka kooban tahay saddexda Gole ee kala ah;

Madaxweyne Faroole waxaa la doortay mudo 4 Sanno ah, Wakhtiga waxa uu uga eg yahay 8-Jan-2013

1. Golaha Baarlamaanka oo ah Sharci dajiyayaal

2. Golaha Xukuumadda oo ah Hay’adda Fulinta

3. Golaha Garsoorka oo ah Maxkamaddaha

SHAQADA GOLAHA BAARLAMAANKA

Waxaa isweydiin leh, maxay tahay shaqada Baarlamaanku, yaa doorta yeyse matalaan

b. Shaqada Baarlamaanku waa Sharci dejiyayaal, waxay u xilsaaran yihiin ansixinta ama diidmada Shuruucda dalka iyo in ay dabagal ku sameeyaan sharciyada fuley iyo kuwa aan fulin iyo sababta ay u fuli waayeen

t. Baarlamaanka hadda waqtigiisu dhammaaday waxaa soo doortay shacabka Puntland, waana 66 xubnood oo ku yimid hab beeleed dadku raali kayahay.

j. Waxay matalaan ama wakiil ka yihiin dhammaan Shacabka Reer Puntland ee ku sugan Gobolada Dalka oo dhan

Waxaa beryahaan dambe soo baxaya in Dr. Faroole uu la wareegay dhammaan Awooddii Golaha Wakiilada, kadib markii uu waqtigoodu dhammaaday, waxaa kaloo Dr. Faroole uu la wareegay si toos ah Awooddii Guddiga Doorashada ee Puntland ee Kumeelgaarka ah, iasoo si toos waraaqaha uu wax ku fududaysanayo ugu qora Guddoomiyaha Baarlamaanka waqtigiisu dhammaaday oo hadda isu baddelay SHAABAD Faroole leeyahay.

Waxaan muran ka taagnayn in Xaruntii Baarlamaanka Puntlland ay hadda si toos ah isugu baddeshay Xarunta Urur Siyaasadeedka Horseed ee Dr. Faroole, kaas oo ah Ururkii ugu horeeyey uguna dambeeyey ee puntland lagaga dhawaaqo 14/11/2012. iyadoo lagu marin habaabinayo Beesha Caalamka, lana dhawrayo in qaar ka mid ah Golaha Wasiirada lagu wado in ay dhawr Urur oo kale ku dhawaaqaan, Gaar ahaan Wasiirka Arrimaha GUddaha oo hadda laga reebay Liiska loogu magacdaray Aasaasayaasha Ururka iyo Wasiirka Caafimaadka oo isna la filayo in Urur loo furo, si bulshada Puntland loogu hor baxyeeyo gabaahirig cidla’a ah, taas oo aan xusuusinayno in laga digtoonaado.

Haddaba maxaa la gudboon;

- Baarlamaanka Waqtigiisu Dhammaaday

- Guddiga Doorashooyinka Madaxa Bannaan ee Kumeelgaarka ah

- Shacabka reer Puntland

BAARLAMAANKA waqtigiisu dhammaaday waxaa la gudboon in ay garowsadaan sidii dhibka yarayd ee lagu soo xulay iyo masuuliyaddii adkayd ee ay u qaadeen bulshadii soo dooratay ee ay magacooda meesha ku fadhiyeen, hana garowsadeen in ay Dr. Faroole iyagu doorteen muddo 4 sano ah ee uusan iyaga dooran, sidaa darteed ha u laabteen bulsho weynta reer Puntland, mar labaadna KALSOONI ha weydiisteen. Ha garawsadeen in Awoodda Golaha Wakiilada aysan ku jirin in ay muddo kordhin samayn karaan.

GUDDIGA DOORASHOOYINKA mar hadii Dr. Faroole uu si toos ah u maamulanayo hawshoodii, maragna ay u tahay warqaddii uu 7/11/2012 u gudbiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada waxaa la gudboon in ay ka tanaasulaan xilkaas Maqaar-saarka ah, dembina aysan ka gelin bulshada

SHACABKA Reer Puntland waxaa la gudboon in ay ka dhiidhiyaan foolxumada iyo ku takrifalka awoodda Shacabka Puntland, waxaan baaq u jeedinaynaa dhammaan ISIMADA reer Puntland, maanta meesha aan ku socono waa mugdi, waxaa taagan mid ka mid ah arrimihii ay bulshada uga wakiilka ahaayeen, oo ah in ay gacanta lasoo galaan arrimaha murugsan ee ka taagan Puntland

GABAGABO

Golaha Wakiilada ee waqtigoodu dhammaaday, waxaa Dr. Faroole ku sasabtay in ay xubno ka yihiin Urur Siyaasadeedkiisa Horseed, taasi waxay ku tusaysaa Sharcidarrada ka taagan dalka iyo ku takrifalka awoodda Golayaasha Dawladda, baarlamaanku saw ma ahan Golihii Wakiilada Shacabka, sidee loo oran karaa waxaad xubno ka tihiin Xisbul-xaakimka oo macnaheedu yahay Xisbiga Xukuumadda oo ah Golaha Fulinta, taasi waxay ku tusaysaa aqoondarrida haysata iyo kala soocnaan la’aanta Golayaasha Dawladda

Dr. Faroole, waxa ay kaga soo ururtay NIN ANI YIRI RAG ISKA REEB, wuxuu hadda u xuub-siibtey kaligii taliye, isagoo wixii hadda ka dambeeya loogu yeerayo magacyadan kala ah:-

Madaxweynha Dawladda Puntland, ahna

Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Horseed, ahna

Taliyaha Guud ee Ciidanka Qalabka Sida, iyo

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka.

Cawaale Axmed Oday

Galkaio, Somalia

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAN LOOMANA FASIRAN KARO TAN BUURHAKABA.COM

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS