Goormaa la kala garandoonaa waxa u dhexeeya waddaniyada iyo qabayalada?

  Tuesday November 13, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Goormaa la kala garandoonaa waxa u dhexeeya waddaniyada iyo qabayalada? .

Hadimada socotaa waxay u eg tahay in Soomaalida laga dhaadhicinayo waxtarka qabyaaladda si loo wiiqo dareenka jacaylka waddaniyada , midnimada ummadda iyo qiima dilka dalka iyadoo lagu qancinayo xog-laawayaasha in Soomaaliya tahay dal yar oo sabool ah oo ku yaal lama degaan geeska Afrika ah, dadkiisuna raacato aan waxbaran yihiin taasoo danta laga leeyahay tahay hayi kicinta bulshada, ku qancinta qurbaha, qeyibinta waxa debedda laga soo diro iyo faqri ka cararka.

waa tan markii hore nabadii Soomaaaliya loogu burburiyey magac qabyaaladeed xaq u dirir laga dhigay, haatana qab qab dhaafka laga dhex abuuray bulshada ee wejiyada badan leh, loo adeegsanayo waqti ku dheeraynta dib u yagleelida qaran Soomaaliyeed.

Qofka Soomaaliyeedow marna ma isweydiisay mar haddii dalku sidaa u xun yahay sababta dadkiisa debedda loogu qaadayo, ciidmada shisheeyaha loogu soo dirayo.

faragelinta siyaaso loogu hayo, hantida badan loogu bixinayo shirarka dib u heshiinta, isla markana dunidu uga qaylinayso halista ka soo socota Soomaaliya,baroortu orgiga ka weyn.

Danta arrintaa laga leeyahay ma hubo waxaase la moodaa in ay qiil u tahay in sidii la doono laga yeelo dalka iyo dadkiisa iyadoo lagu takri falayo masaaliixda muuqata iyo kuwa dahsoonba sida qashin ku qubidda xeebaha Soomaaliya, qurbe jeclaysiinta ummadda si Diimo iyo afkaaro kala duwan loogu soo abuuro, la bixidda khayraadka dabiiciga ah (Bad iyo Birri), dhoofsiga xoolaha nool ee dhaqmaadka ah, maamulashada masaaliixda doqon ma garatada ah sida marinada dabiiciga ah ee dalku ku leeyahay bad iyo cirba , in meesha ay ka baxdo dawlad qowmi ah, qofba qofka kale dhibtiisa ku farxo, in faragelinta derisku dareen la’aan ku takri fasho arrimaha amniga iyo dekedaha dalka, meesha ka saaridda in Soomaaliya wax ku yeelato wax ka dhihida arrimaha gobolka geeska Afrika, in qofka Soomaaliga laga majuujiyo qiirada iyo lexejeclada dalka,kuna qanco in uu noqdo calooshii u shaqaystee hadba meesha u joogaa dal u tahay si nuxrurka looga siibo dareenka waxyaabaha bulshada isku haya ee afka ,dhaqanka , diinta iyo taaariikhda, waxayna maraysa “qab qab dhaafay Soomaaliyeey qaran ma noo diiday”.

Ilowshiiyaha umusha xigmada alle baa ku jirta oo ah taranka aadanaha, tan Soomaaliduse waa dullinimada quraanka ka yiri “alle qowmna ma duleeyo haddii aanay iyagu isduleyn”.Gabayaaga Soomaaliyeed ee Cabdullahi Suldaan Timacade waa meeshuu ka lahaa:“Gacantii nin lihi goynayaa waa gumudantaaye “.

Soomaaliya waxay yeelatay sansaanye u eg in dalka laysku haysto, ummaddiisuna garan la’dahay meesha laga gaaray, Soomaalidu waxay tiraahdaa “doqoni qufacday meel laga haayana ma taqaan”,waayo waxaa hal-ku-dheg looga dhigay in qofkii afka kala qaadaba la yiraahdo “yuu yahay” inta aan loo fahmin wuxuu sheegay, waa qorshe ah “qaybi oo xukun” oo lagaga hortaag yahay ummaddaan garashada danteeda iyadoo israacii cadow looga dhigay si ayan marna isu miiciinsan ummad ahaan.

Bulshada Soomaalidu si ay dib ugu hanato sharafkii qiyamka ummadnimo lahayd, qof iyo qaranna qiime u yeelato, waa in ay meesha ka baxda fikrada ay xambaarsan tahay maahmaahdaani “sac saddex Nin ay kicin waayeen, mid baa maqaarkiisa raba”, taasoo waxaan uga jeeda Soomaalidu labaatan sano ma heshiin waayinee, qaarbaa dagaalka iyo qabyaaladdu ugaga caano badan yihiin nabadda iyo midnimada iyo qaranimada.

Haddaba Goormaa la kala garan farqiga u dhexeeya waddaniyadda iyo qabayaalada?

1.Marka Muwaadinku Soomaaliyeed ay u kala cadaato farqiga u dhexeeya danta guud iyo tan gaarka ah.

2. Marka la qiro in lahaanshaha nabadda tahay xuquuq ay leedahay ummadda Soomaalida, loona baahan yahay in ay iyada ka timaado ee aan cid kale laga sugin..

3. Marka Muwaadinku garto in u dhalshada dal Heli ahí ku filayn noqoshada muwaadin fiican ee lagu daro barashada xuquuqda iyo waajibka dalku ku leeyahay muwaadinkiisa(Waddani waa layska barbaarin ubadka baa layskaga dhigi karaa ee u dhalasho keliya ma ah)

4. Marka la helo aqoonyahan uu ka ba’ay haraadka qabyaalad wax ku doonka, kuna kalsoon tartan aqooneed wax ku helidda.

5. Marka xilka loo dhiibo qof aaminsan in mas’uuliyadda bulshadu leedahay, laguna soo xushay waxtarkiisa, dibna ugu laaban doono bulshada.

6. Marka loo gudbo aqoonsiga xirfad ku shaqaysiga oo laga baxo afmiishaarnimo wax ku helidda.

7. Marka la wada aamino shaqo oo laga gudbo isku dulnoolaadka dhaqaale

8. Marka ka shaqaysiga dalka lagu bedelo u shaqaynta ummadda.

9. Marka bulshadu ku kalsoonaato aqoonta, ubadkana wax la baro, loona diyaariyo wax ku helida tartan iyo isku kalsoni

10. Marka loo wada guntado helida iyo ilaalinta cadaaladda ijtimaaciga ah.

11. Marka la wada ilaaliyo xaqa iyo xurmada ay leedahay nafta bani’aadmku.

12. Marka la fahmo in bulshada rayadka ah iyo qabyaaladu dal wada hoggaamin Karin.

13. Marka la jeclaado dalka hooyo Lana aamino khayraadkiisa isla markaana laga waantoobo u hanqaltaagga qurbaha.

14. Marka laysla fahmo in ilbaxnimada dhabta ahi tahay ku faanida dhaqanka suuban.

15. Marka bulshadu sida diinta Islamku qabto ku dhaqanto run sheegidda.

16. Marka la garto halista faragelinta iyo laba canlaynta shisheeyaha iyo in aan ummaddu danteeda cid kale ku halayn.

17. Marka la wada fahmo in hoggaamin xumada dalka dugsigeedu yahay aragtida fadhi ku dirirku (leadership school of thought).

18. Marka saxaafaddu wadajir u yeelato mowduuc qowmi ah (National agenda).

Suurto galnimada talooyinka aan soo sheegay waxay ku jirtaa in Soomaalidu dhab u wada hadasho si ay xal ugu hesho dhibaatada ragaadisay iyadoo aan xaqiiqda laga baqin, waayo haddii run ka carar darteed wax walba afka oodafo looga saaro ama la yiraahdo cid baa loo dan leeyahay, sow ma noqonayso ku talo gal dagaal aan dhammaan, marka waxa dantu ku jirtaa in loo wada hadalo si calool xaarasho iyo garawsho ah oo lagu gaaro heshiis loo dhanyahay oo lagaga dawoobo colaadda iyo hifashada wixii dhacay, asaas dhab ahna loogu dhigo qaran ay ku naaloodaan faca dambe.

Mohamed Aden Abdiladhiif

Contact: Mo_Aadan@hotmail.com

Ugaar ah Buurhakaba.com

Khartoum_sudan

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS