Warbixin Xasaasi ah: Muxuu salka ku hayaa Khilaafka Dowlada iyo Maamulka Kismaayo

  Sunday November 11, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Warbixin Xasaasi ah: Muxuu salka ku hayaa Khilaafka Dowlada iyo Maamulka Kismaayo .Bartamihii sanadkii hore ayay aheyd markii ciidamada Kenya ay gudaha ugaleen dalka Soomaaliya iyagoo hiisigoodu ahaa qabashada magaaladda Kismaayo oo ah halka ay xudunta ugu weyn ku lahaayeen Shabaab.

Mud dheer ayay ciidamada Kenya oo kaashanaya Raaskambooni iyo ciidamo Soomaali ah ay ku qaadatay in ay gaaraan magaalooyin dhowr ah oo ay kamid tahay Afmadow.

Xiligaas waxii ka danbeeyay waxaa shaki xoogan la geliyay danta ciidamada Kenya ee Soomaaliya iyo halka ay qarashka howlgalkooda Soomaaliya ay ka helaan.

Ugu danbayii ciidamada Kenya ayaa waxaa lagu daray howlgalka AMISOM ee ka soconaya Soomaaliya si meesha looga saaro tuhunada jira ee kasoo baxaya shacabka Soomaaliyeed .

Ciidamada isgarabsanaya ayaa gaaray Magaalada Kismaayo oo aysan ka dhicin gudaheeda dagaalo toos ah, waxaana xiligaas waxii ka danbeeyay soo baxayay hadalo kala duwan oo ku aadan kadib qabashada Kismaayo waxa dhici doona.

Ciidamada Amisom “Kenya ayaa xarumo ciidan ka samaystay dekadda Magaalada, Airporka iyo xarumo kale oo muhiim ah halka ciidamada dowlada ay dhinac ka dageen magaalada, waxaana holwgalo balaaran gudaha magaalada ka wada ciidamada Raaskambooni oo degan xaruntii maamulka, Saldhigii degmada iyo meelo kale oo muhiim ah.

Arinta ku aadan Maamul usamaynta Jubooyinka ayaa noqotay tan ugu weyn ee ay shacabka Soomaaliyeed wax iska weydiiyeen maadaama hadalo kala duwan ay kasoo baxeen dhinacyada magaalada haysta iyo dowlada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud ayaa si cad usheegay in maamulka Jubooyinka ay soo dhisi doonto dowlada, halka Saraakiisha Raaskambooni iyo siyaasiyiin kale oo Jubooyinka kasoo jeda ay taageersan yihiin howsha IGAD ay ka wado Nairobi ee maamulka loogu samaynayo Jubooyinka .

Waxa taas ka daran oo xaalada cirka ay isku sii shareertay markii madaxweynaha dowlada Soomaaliya uu go’aamiyay inaan dhuxusha laga dhoofin karin magaalada Kismaayo, maadaama ay QM horey umamnooceen xiligii ay Shabaab magaalada gacanta ku hayeen.

Waxaase arintaas dhagaha ka furaystay sheegayna in dhoofinta dhuxusha ay soconayso Hogaamiyaha Raaskambooni Axmed Madoobe,a oo tilmaamay in dhuxul badan ay magaalada taalo lagana yaabo in ay halowdo hadii aan la dhoofin.

Khilafka ugu xoogan ayaa yimid kadib markii Madaxweynaha dowlada uu wafdi udiray magaalada Kismaayo kuwaas oo ay hogaaminayeen Wasiirkii hore ee gaashaandhiga iyo Taliyaha ciidamada xooga dalka .

Xuseen Carab Ciise ayaa cod dheer ku sheegay in aan la ogolaan doonin wax dhuxul dhoofin ah gudaha magaalada Kismaayo.

Taas waxaa ka daran Markii Taliyaha ciidamada xoogga dalka Gen C/Qadir Cali Diini uu sheegay in Kismaayo ay qabteen ciidamada dowlada Soomaaliya iyo Amisom oo kaliya isla markaana aysan jirin wax la yiraahro Raaskambooni

Safiirka dowlada Soomaaliya oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Nairobi ayaa si adag usheegay in arimaha Jubooyinka ay tahay howl utaal dowlada Soomaaliya.

Warar ka yimid Kismaayo ayaa sheegaya in dhoofinta dhuxusha Magaalada Kismaayo ay bilaabatay isla markaana ay fasaxeen maamulka KMG ah ee magaalada.

Xaalada ayaa kasii dartay kadib markii Airporka magaalada shalay lagu celiyay wafdi ka socday dowlada Soomaaliya gaar ahaan xafiiska madaxweynaha.

Muuqaalka laga qaaday Wafdigan ayaa muujinaya in Wafdiga iyagoo kusugan garoonka diyaaradaha loo sheegay in si deg deg ah ay kaga baxaan magaalada

Hadaba Arimahaas oo isbiirsaday ayaa la rumaysan yahay inuu salka ku hayo khilaafka ka dhextaagan madaxda dowlada Soomaaliya iyo Saraakiisha Kenya.


Mohamed Aadan Abdiladhiif

Warbahinta Buurhakaba.com

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS