Maraykanka oo uga digey Musuqmaasuq muwaadiniinta Somali Maraykanka ah

  Wednesday December 28, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Warbaahinta Buurhakaba Media

Dowlada Maraykanka ayaa uga digtey muwaadiniinta Somali Maraykanka ah ee ka qeybgalaysa doorashooyinka dalka Soomaaliya inay ku lug yeeshaan musuqmaasuq.

Qoraal kooban uu soo dhigay barta twitter-ka Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in sharciga Mareykanka uu dhigayo in muwaadiniinta Mareykanka ay ku sugan meel ka baxsan dalka lagu ciqaabi karo haddii ay ku lug yeeshaan xaalado musuq maasuq baahsan.

Lama sheegin heerka ay gaarsiisan tahay ciqaabta ay la kulmi karaan muwaadiniinta Soomaali Maraykanka ah kuwaasoo lagu helo dambiyada musuqmaasuqa.

Maraykanka ayaa ka mid ah dalalka aad u daneeya siyaasada Soomaaliya isla markaana ka mid ahaa beesha caalamka oo qoraal walaac ay ku muujinayso ka soo saartay kudarista xildhibaanada Aqalka Sare iyo fasaxida qaar ka tirsan kuraasta Aqalka Hoose ee ay guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka dadban laaleen.

Muwaadiniin badan oo haysta dhalashada Maraykanka balse asalkoodu yahay Soomaali ayaa ka mid ah labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo weliba musharixiinta doorashada Madaxweynaha dalka Soomaaliya.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS