Musharaxii u horeeyay oo ka soo jeeda Koofur Galbeed oo isku sharaxay Guddoomiye Baarlamaan

  Wednesday December 28, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Warbaahinta Buurhakaba Media

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar ayaa noqday Musharaxii u horeeyay ee si rasmi ah ugu dhawaaqa inuu u sharaxan yahay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, maalin kaddib markii la dhaariyay Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Shir jaraa’id oo uu shalay qabtay markii la dhaariyay ayaa sheeay inuu doonayo qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, isla markaana ka bixi kara hoggaaminta Golaha shacabka.

Idiris Cabdi Dhaqtar oo ka mid ahaa Xildhibaanada laga soo doortay Koofur Galbeed ayaa sheegay inuu la imaan doono is bedel, hadii uu ku guuleysto xilka Guddoomiyenimo, isla markaana ka shaqeyn doono Midnimada Umadda Soomaaliyeed.

Xildhibaan Idiris ayaa noqonaya Musharaxii ugu horeeyay ee ka soo jeeda Koofur Galbeed ee shaaciya inuu yahay Musharax Guddoomiye Baarlamaan.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa inay isa soo sharaxaan Musharaxiin dhowr ah oo uu ka mid yahay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, iyadoodhowaan qoraal uu bartiisa Facebook uu soo dhigay Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig uu ku sheegay inuu yahay Musharax u taagan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Tani ayaa waxay dhabar jab ku tahay qorshaha Shariif Xasan uu wato ee ah in aanu isa soo sharaxin nin ka soo jeeda deegaanada Koofur Galbeed, gaar ahaan beelaha Digil iyo Mirifle, si aysan saameyn ugu yeelan Musharaxnimadiisa xilka Madaxweynaha oo ah mid mugdi ku jirta.

idiris

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS