Duufaano khasaare xoogan geystay oo ku dhuftay xeebaha Koonfur bari India (Daawo Sawirro)

  Tuesday December 13, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
.Duufaano aad u xooggan ayaa ku dhuftay xeebaha koonfur bari Hindiya, iyadoo dad Kumanaan qof gaaraya ay isaga baxeen guryahooda waxaana la xiray xarumha waxbarashada la xiray.

Duufaanta ayaa wadatay roobab xoog leh iyo dabaylo waxayna ku dhufatay caasimadda gobolka Konfureed ee Hindiya ee Chennai iyo sidoo kale gobollada Tamil Nadu iyo Andhra Pradesh.


Inta aysan dhicin duufaanta Vardah, ayaa dadkii deganaa agagaarka xeebta ay isaga qaxeen guryahooda, iyadoo duulimaadka diyaaradahana la hakiyay. Duufanta ayaa sidoo kale dhibatooyin u geysatay waddooyinka ay maraan tareenada gobolkaasi.

Ciidammada badda ee Hindiya ayaa shaqoyiinkooda la hakiyay iyadoo la diyaariyay kooxo gurmad ah iyo gargaar loo gaarsiiyo dadka goobahaasi ku nool hadii loo baahdo, waxaana illaa hadda la soo weriyey dhimashada dhowr qof iyo burburka hanti badan.

Dabyelo xooggan iyo daadad ayaa cagta mariyay qeybo badan oo ka mid ah magaalada Chennai iyadoo geedo badan iyo nalalka magaalada ay dabyeluhu dhulka dhigeen.











NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS