Xiriirka Damul Jadiid Iyo Imaraatka Oo Dib Loo Soo Celiyay Xili Madaxweye Xasan Sheekh .....

  Tuesday December 13, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
.Warar lagu kalsoonaan karo oon heleyno ayaa sheegaya in lasoo celiyay xariirkii u dhaxeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Dowlada Imaaraatka Carabta, kadib dadaalo badan oo arintaasi lagu bixiyay.

Xiriirka u dhaxeeyay Dowlada Imaaraatka Carabta iyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xumaaday, waxa ayna Dowlada Imaaraatka ay dhawaan bilowday qorshayaal lidi ku ah Siyaasada Madaxweyne Xasan iyagoona garab siinayay Musharaxiin kale.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa noo sheegay in laga shaqeeyay sidii loo soo celin lahaa xariirka u dhaxeeyay Madaxweyne Xasan iyo Dowlada Imaaraatka, waxaana lagu qanciyay dowlada Imaaraatka in ay ka laabato diidamdeeda Xasan Sheekh.


Dowlado Carbeed iyo dowladaha dariska qaarkood ayaa ka shaqeeyay sidii loo soo celin lahaa xariirka Imaaraatka iyo Madaxweyne Xasan, waxaana Dowlada Imaaraatka ay aqbashay in ay taageerto Musharaxnimada Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan uu booqdo Safaarada Dowlada Imaaraatka ku leedahay magaalada Muqdisho iyo sidoo kale Isbitaal weyn oo dowlada Imaaraatka Muqdisho ka dhistay.

Xasan Sheekh ayaana uga mahad celinaya Dowlada Imaaraatka garabkii ay siisay Dowlada uu Madaxweynaha ka yahay, waxa ayna Dowlada Imaaraatka Muqdisho ka dhistay Isbitaalo iyo Mashaariic kale, waxaa kale Imaaraatka ay tababartaa Ciidanka Dowlada gaar ahaan kuwa kumaandooska.

Dowlada Imaaraatka Carabta ayaa dhawaan la sheegay in ay xariirka u jartay Madaxweyne Xasan Sheekh , waxa ayna Imaaraatka waday qorshe ay ku taageereyso Ra'usul Wasaare Cumar Cabdirsahiid oo isna ah Musharax Madaxweyne.


Imaaraatka ayaa dhawaan dalkeeda ku martiqaaday Hogaamiyaasha Maamul goboleedyada dalka iyo qaar kamid ah Musharaxiinta Madaxweyne, waxa ayna Imaaraatka ka dhaa dhicisay Hogaamiyaashii ay la kulantay qorshaheeda siyaasadeed iyo in la taageero Musharax gaar ah ay wadato.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS