Maamulka Majeerteen Ee Putland Oo Isku Raacay Hal Musharax Xili Digil Iyo Mirifle Hurdadooda Sii Dheeraysteen.

  Tuesday December 13, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
.Kadib shirar aan loo kala kicin oo ay kuwada kumidaysnayeen Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiiid Cali Sharma’arke, Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas, C/raxmaan Faroole iyo C/risaaq Cusmaan Jurille ayaa kuwada faataxaystay halgan adag in ay lagalaan musharaxiinta tirada badan ee Hawiye, iyadoo kulankooda ahaa mid albaabada u xirnaa.

Kulanka oo ahaa mid quraac ah oo ay mas’uuliyiintan kaga hadleen istiraatiijiyada doorashooyinka iyo sidii qorshe mideysan ay ugu wajihi lahaayeen, waxaana kulanka uu qaatay muddo lix saacadood.

gaas-farole-omar1

Wararka qaar ayaa sheegaya in kulankan lagu heshiisiiyay C/raxmaan Faroole iyo Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo labaduba ah musharax, waxaana muddooyinkii u dambeeya Faroole uu aad u dhaliilsanaa siyaasada Cumar C/rashiid.

Cumar C/rashiid iyo Faroole ayaa la sheegayaa inuu dhex maray gor-gortan siyaasadeed, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in Faroole lagu qanciyay inuu tanaasulo.

Warar aan rasmi aheyn ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland uu u jeediyay Faroole inuu ka tanaasulo Musharaxnimada, si uu u taageero Cumar C/rashiid oo ay Putland awoodeeda isugu gayso hal musharax taasi oo u horseedi doonto guul bacdamaa beesha Hawiye sagaal musharax ay ka sharaxan yihiin.

Faroole ayaa la rumeysan yahay in xubno taageersan uu ku leeyahay Musharaxiinta lagu doortay Garowe, sidaas darteed looga dalbanayo inuu ka tanaasulo, si taageeradaas uu u helo Cumar C/rashiid.

Siyaasiga C/risaaq Jurile ayaa la sheegay inuu soo jeediyay qorshe ku aadan sidii Puntland hal musharax ula tagi laheyd doorashada Madaxweynaha, isla markaana Musharaxaas la isugu geeyo taageerada ugu badan.

Kulamo kale ayaa lagu balamay in la isugu yimaado, si loo dhameystiro waxyaabaha harsan oo ay labada dhinac doonayaan inay kaga soo fikiraan, gaar ahaan Faroole ayaa codsaday in waqti la siiyo.

Dhanka kale beesha Digil iyo mirifle oo hurdo dheer waa hore isaga jirtay ayaan war iyo wacaal ka hayn halka ay wax u socdaan iyo halka ay wax ka socdan, dhowr siyaasi oo DM oo aan la kulanay ayaa waxay u kala qayb san yihiin Qolo Shariifka caynaayo oo ku doodaya in uu ka hor istaagay kamid noqoshada baarlamaanka Cusub iyo Qolo kale oo ayagana Shariifka Geed wayn ku xirtay oo aan wax Aragti lahay, taasi ayaa nasiib xumo u ah DM oo aan waligood ka baxaynin is xamasho,is eedayn joogto ah iyo ayadoo siyasiyiintooda la deris noqdeen Karti xumo joogto ah.

gaas-farole-omar2

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS