Siyaasiyiin kasoo jeeda Beesha Hawiye oo qorsheenaya in ay isku soo sharaxaan Gudoomiyaha Baarlamaanka

  Tuesday December 13, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
.Siyaasiyiin kasoo jeeda Beesha Hawiye kana mid ah Xildhibaanada Aqalka hoose ee dhawaan la doortay ayaa qorsheenaya in ay isku soo sharaxaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xubnahan Siyaasiyiinta ah ayaa u badan kuwa mucaarad ku ah Siyaasada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxa ayna Siyaasiyiinta doonayaan in ay dhabar jabin ku sameeyaan hamiga Madaxweyne Xasan ee ku aadan in uu mar kale dalka Madaxweyne kasii ahaado.

Siyaasiyiintan Mucaaradka ah ayaa xariir dhaw la leh Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan kana mid ah Musharaxiinta Madaxweyne iyo Ra'isul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo isna Musharax ah.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dadaal badan ku bixinaya sidii beesha Digil iyo Mirifle dhinac looga marin lahaa Gudoomiyaha Baaralmaanka oo beeshiisa lagu calaamadeeyay, waxa uuna taa badalkeeda rabaa in Madaxweyne ama ugu yaraan Raisul Wasaare dalka ka noqdaan.


Waxa ay sidoo kale ku heshiiyeen Shariif Xasan iyo Ra'isul Wasaare Cumar Cabdirashiid in Beesha Hawiye dhinac marsiiyaan Madaxweynaha Soomaaliya, waxa ayna labadan Siyaasi dadaal ku bixinayaan sidii Madaxweyne Xasan meesha looga saari lahaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna wada dadaal uu kusoo saarayo Shaqsi kasoo jeeda Beesha Digil iyo Mirifle in uu noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka, waxaana Madaxtooyada wadaa in la fashiliyo damaca Shariif Xasan.

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya iyo Gudoonka Baarlamaanka ayaa lagu wadaa in ay dhawaan dhacdo, waxaana socda dadaalo badan ay wadaan Musharaxiinta ay ku doonayaan in mid kasta uu isagu ku guleesto Madaxtinimafa Soomaaliya.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS