Kursi uu isku halaynayay Sheekh-Shariif oo la dhaafiyay doorashadii Cadaado iyo Guuleed oo amarkii Saaxiibadiis Damjadiid fuliyay

  Saturday December 03, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
.

C/qaadir Cali Cumar oo ka mid ah Kooxda Aala-Sheekh ahaana Wasiirkii Arimaha Gudaha ee xukuumadii Sheekh Shariif,ayaa dhamaan ergadii Cadaado xagiisa ka socotay,lagu bedelay Ergo uu soo xulay Madaxweynaha Galmudug,waxaana sidaas loo sameeyay in kursigan la dhaafiyo Murashax Sheekh Shariif oo isku halaynayay codka saaxiibkiis ee Cadaado ay u qayileen Xerta Damjadiid oo adeegsanaya C/kariin Guuleed.

Kursigaan oo jufada Saleebaan laga soo dooranayay,ayaa markii hore la filayay C/qaadir Cali Cumar inuu ku soo baxo,ayaa markii dambe laga hoos qaaday,iyadoo Guuleed uu kursigan uu ku fariisiyay Saabir Nuur Shuuriye oo Madaxtooyadda Muqdisho ee Xerta Damjadiid laga soo diray.

Waxaa la filayaa C/qaadir Cali Cumar oo isaga baxay doorashadda kana qeyb-galin,inuu ka hadlo qaabkii loo khiyaanay daqiiqadii ugu dambasay ee doorashadda Cadaado oo hoolka shirka daaqadaha laga soo galiyay Ergooyin uu soo xulay Madaxweynaha Galmudug,halka ergooyinkiisii loo diiday albaabka inay ka soo galaan goobta doorashadda lagu qabanayay.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS