Madaxweyne dal Afrikaan ah soo hogaaminayey ku dhowaad 25 sano oo doorasho looga adkaaday (Daawo Sawirro)

  Saturday December 03, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
.Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee Gambia ayaa sheegay in Yahya Jammeh uu qirtay in lagaga guulaystay doorashadii Khamiistii dhacday.

Wax aan la saadaalin karin ayaa la sheegay iney aheyd in hogaamiyaha Gambia uu qirto in lagaga guulaystay doorashada ka hor shaacinta natiijooyinka rasmiga ah.

Yahya Jammeh weli si toos ah ugama hadlin natiijada hordhaca ah ee tilmaamaysa inuu ka ka guuleystay Adama Barrow oo ah hogaamiyaha mucaaradka ee la tartamayey.

Mr. Barrow ayaa la sheegay oo mar waardiye ka ahaan jiray dukaan ku yaalla wadanka Britain oo la yiraahdo Argos.

Midowga Afrika ayaa halkaa u diray tiro korjoogto ah, laakinse Midowga Yurub, iyo urur-goboleedka ECOWAS uma aysan dirin.

Mr. Jammeh ayaa Gaambiya afgambi ku qabsaday sanadkii 1994-tii kooxaha xuquuqda aadanahana waxay ka cabsi qabaan iney rabshado dhacaan.




NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS