Allah U Naxriistee Jilaa Caan ahaa oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho

  Thursday December 01, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
.Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Abwaan Cabdi Maxamuud Jacaf oo sidoo kale ahaa Jilaa si weyn looga yaqaanay gayiga Soomaaliya.

Ehelada Marxuunka ayaa sheegay in uu u geeriyooday xanuuno mudooyinkan dambe ku hayay magaalada Muqdisho, waxaana manta lagu wadaa in lagu aaso qabuuro kuyaala magaalada Muqdisho.

Abwaan Jacaf ayaa kamid ahaa Jilaayaasha iyo Abwaanada sida weyn uga dhax muuqday Fanka, waxa uuna kasoo muuqday Ruwaayado badan oo laga daawaday Telefishinada Soomaalida.

Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka waxaa ku xanuunsan Fananiin iyo Abwaano Soomaaliyeed, waxaana qaarkood heesata dhibaatooyin adag oo dhinaca nolosha ah iyagoona waayay cid usoo gurmata.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS