Eng Saalax'' Baydhabo Waxaa Ka Socdo Ruwaayad Bilow Ilaa Dhamaad Hal Qof Kaliya Jilaay''.

  Thursday December 01, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
.Magaalada Baydhabo oo ruwaayad jiliinkeeda shariifka kaliya ka aktar ah oo ka laadir ah baryahan ka socoto ayaa waxaa loogu guulaystay dhaman dabinkii loo dhigay musharaxiinta aan shariifka dhankiisa laga jeclayn oo lagu wada reebay marka laga reebo Prof Jawaari oo garab xoog leh ka haystay Beesha Caalamka iyo sidoo kalena Hoolka Doorashada Maalinkii Asi la dooranayay uu geeyay Ciidan lixaad leh oo uu hogaaminayay Gen Ibraahim yarow oo jawaari qaraabo dhow yihiin taasina ay shariifka ka hor istaatay in jawaari loo dar daro sida hada layeelay dhowr qof oo asi garab la ahaa waxaana kamid ahaa Wasiir Fargeeti Iyo Mudane Wasiir Saalax Sheekh Cusman.
Hadaba Kulan Maanta lagu Qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa looga hadlay musuq-maasuq hareeyay doorashooyinka degmada Baydhabo ka socda. Waxaana kulankaan Goob-joog ka ahaa xubno ka socday Dowladda Soomaaliya, Madax-dhaqameed, culummo, Aqoon-yahanno, Qurbo-joog, Haween iyo dhallinyaro, kasoo jeeda deegaannada maamulka Koonfur-galbeed.

Kulankan, ayaa Waxaa Hadallo ka jeediyay 0doyaal-dhaqameedyo ku Hadlayay Magaca beealaha, Handab, Abiikarow, Maama Suubis, Reer Xaaji, Ay-tiro Gol iyo Ay-tiro Ban oo dhammaantod ka tirsan Beesha Galadi, ayaa daboolka ka qaaday inay cabasho ka yihiin musuq-maasuq ay sheegeen inuu Magaalada Baydhabo ka dhacay, kaasoo ay sheegeen in Kursigoodii Aqalka Hoose lagu boobay, iyagoo ku eedeeyay gudiga doorashada Maamulka Koonfur-galbeed inay ergooyinkii rasmiga ahaa ku bedeleen shaqsiyaad kale oo aanay wax ka ogeyn Waxayna soo jeediyeen in Caddaaladala horkeeno dadkii fal-dambiyeedkaas ku kacay.

“Guddoomiyaha Doorashada Koonfur-galbeed ninka Mursal lagu magacaabo oo ku kacay Musuq-maasuq aan ka Cabanayno, ma yeelayno in Kursigeennii si Khalad ah lagu Qaato, WaxaanGuddiga Doorashooyinka ee Heer Federaal Weydiisanaynaa inay cabashadeenna sida ugu dhaqsiyaha badan wax uga qabtaan,” ayay yiraahdeen odayaashan oo ku Han-jabay in Beesha Galadi ay gooni isu-taagi doonto haddii Walaalahooda Mirifle Cudurdaar aysan ka bixinTacaddigii lagula kacay, isla markaana aan loosoo celin kursigii sida xaq-darrada ah looga dhacay.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Haweenka Degmada Afgooye, Xabiibo Sheekh Cusmaan oo ka hadashay iyaduna kulanka ayaa ku nuux-nuuxsatay inay taageersan tahay cabashada ay soo jeediyeen Odayaasha-dhaqanka ee ka hadlay Kulanka, Waxayna carrabka ku dhufatay inay Doorashooyinkii ka dhacday Baydhabo ahaayeen kuwo la marin-habaabiyay, waxayna soo jeedisay in dib loogu noqdo doorashooyinkaas.

Bayaankan kasoo baxay Gaba-gabadii kulankaas ayaa looga hadlay fal-dambiyeedyadii iyo tacadiyadii ka dhacay Baydhabo, bayaankaas oo ku kala socday guddiyada doorashooyinka iyo khilaafaadka ee heer Federaal, lagu ogeysiinayay Suldaanka Galadi iyo Madaxweynaha Koonur-galbeed, ayaa looga Codsadey guddiyadaasi inay si deg-deg ah arrimahan la xiriira Musuqmaasuqii lagula kacay beeshooda.

Dhanka kale, Wasiirka Hawalaha Guud, Dib u dhiska iyo guryeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Inj. Saalax Sh. Cusmaan Muuse oo kulankaan Hadal ka jeediyay, ayaa wuxuu xusay in ay lagama marmaan tahay in wax laga qabto cabashada ay qabaan waxgaradka iyo bulshada Galadi, isagoo hoosta-ka-xariiqay inay waajib tahay in Maxakamad la hor-keeno dadkii ka dambeeyay musuqa lagu sameeyay kursigoodii, isagoo Guddiga Doorashada ka codsadey in fursad la siiyo ergooyinkii saxda ahaa ee beeshaas si ay doortaan Musharraxa ay doonayaan.

Kulankaan, ayaa intii uu socday Waxaa lagu soo bandhigay Suugaan aad loo jecleystayna oo ay ka mid ahaayeen; Goog Guduud adaa lahee Geelaaga ku maalo… Waan idin goynaa gooni ayaana idinka ahaanayaa. – Musuqmaasuq Maroodi ka weyn ayaa dhacay… mana ka yeelayno Mursal inuu maroorsado xaqeenna. iyadoo erayo-suugaaneedan ku luuqeynayay laashimiin goobta ku sugnaa.

Ugu dambeyntii, Cabashadaan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo dhawaan ay sidan oo kale Cabashooyin noocan ah u soo gudbiyeen Beelaha Qaar oo sheegay in laga Duudsiiyay kuraastii ay xaqa u lahaayeen.


NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS