Musharax Mohamud Mohamed Sheikh Ali Oo Isku Soo Sharaxay Hogaanka Sare Ee Somali Students Association in Turkey(SSAT).

  Thursday December 01, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
.Waxaa Xalayto Saqdii dhaxe habeenimo waqtiga saacada magaalada istanbul ee dalka turkiga lagu qabtay xaflad lagu tageeraayo Musharax Aqoonyahan Mudane Mohamud Mohamed Sheikh Ali oo sanadkan u sharaxan Hogaanka Sare ee dhamaan ardayda soomaaliyeed ee wax ka barata dalka turkiga.


Ustaad Mohamud Mohamed Sheikh Ali oo ah arday Daraasada sare ka Dhigta mid ka mid ah jaamacadaha ugu caansan dalkan turkiga horeyna usoo dhameeyay Shahaadada Bachelorka Qaybta "Bachelor of public administration and political science''Xiligana dhigta Master of political science and international relationship ayaa wuxuu balan qaaday hadii ardayda soomaaliyeed codkooda ku aaminaan inuu isbadal balaaran la imaan doono oo uu ardayda ku jiheen doono nidaam cadaalad iyo ilbaxnimo Dimuqraadiyad ku salaysan.

Mar uu Musharaxa Ka hadlayay hadii la doorto waxa uu qaban doono ayaa hadaladiisa waxaa kamid ahaa'' Waxaan Balan qaadayaa inaan marna ka seexan doonin kor u qaadida sumcada iyo sharafta arday walba oo soomaaliyeed oo halkan ku sugan waxaan diyaar u ahay inaad igula xisaabtantaan xilka culeeskiisa leh waa hadii aad igu aamintaan''.

Ustaad Mohamud Mohamed Sheikh Ai ayaa intaas hadalkiisa ku sii daray '' Waad wada ogtihiin walalayal waxaan ku guda jirnaa mar xalad aad u xun oo magaca soomaaliga in la sheegto ceeb noqotay taasina waxaa u sabab ah maamul xumada hadii aan soomaali nahay naga haysata dal iyo dibad, hadii aad ii garataan xilkan waxan idinka balan qadayaa inaan kaalin lixaad leh ka gaysan doono sidii aan Magaca soomaaliga aan kor ugu qaadi lahaa oo aan Arday walba oo soomaaliyeed oo halkan wax ku barta aan garab muuqda u siin lahaa''.

Hadii Alle idmo maalmaha inagu soo wajahan ayaa waxaa la filayaa in Dhaman Ardayda soomaaliyeed ee Dalkan Turkiga ku sugan u dareeraan Doorashooyin Ay ku dooranayan Hogaanka Sare ee Sanadkan soo socda Hogaamin Lahaa, Dad badan ayaana qaba in Musharax Mudane Mohamud Mohamed Sheikh Ali uu isa soo sharaxay xiligii ugu haboonaa bacdamaa uu yahay qof dalkan turkiga muda ku noolaa oo galaangal aad u xoogana ku dhax leh dhaman jamacadaha Turkida iyo Hay'adaha Deeqaha siiya Ardayda ajaanibta.

Xafiiska Warbaainta Buurhakaba Media
Istanbul Turkiya

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS