MUKAY GEEDAHAA LAGA YAQAAN WIXII MIIRQAB IYO MIISAAN MEEL LOO DHIGANA MURAN MABA KA YIMAADO AMB MURSAL WAA MUDANAHA DALKA MOOGOW OGOOW MAANTA !!

  Monday November 21, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
.Maqaadiir Alle maanta masuul aan sugaayaa masraxa iiga soo muuqday, midkii magaca Soomaali muunadda u yeelay meel marshay magaca guud maqaam sarana gaarsiiyay, moosinkii macaani laga waayoy macnaha ay qaraaraatana miskiin iyo maalqabeenba musaafurka debedaha maraaya u miciinay meelay martiyaan markay waayaan, makaan malaabiskii wata looga mashxaradaayo kii madaxa u gelshay Soomaaliwayn, waa masuulkii mirihii la gaari waayay markay bislaadeen intuu midigtii ku soo guray misna malabkoodo da'aaya macaanidooda ummadda afka ugu muudshay, maansada iyo maqaalkeeda murtida maangaab uma sheegine, miinleydu waxay ku meerisay "Mana hayno, Mana sugeyno, namana soo maro, noomana maqna mid la mid ah Amb Mursal Maxamed SHeekh Mursal", masuulna masuul ka miisaan culus wax miisaska iyo maqaayadaha shaaha mugdiyada looga murmurmo mudnaantiisii Amb Mursal.

Teeriyo kolkii lala xamaasooday magacan Soomaaliyada 5 boqolsanadood jirka aan waxba sidaa uga waynayn mustacmarkii dabadii dhalashadiisii dambe sanadkii 1960-kii Waalada iyo Wilisaqadii loo tumay saqda dhexe iyo kufsigii mugdiga waranteeriga 1969-kii lagu sidqay finiish iyo finaash hilbuhu ay u geedafuuleen 1991-kii loo gaaro duulshowgii lagu daadumay dib u milicsiga masuulka mudan darajada iyo ka u diyaarsan dushana loo saari karayo amaanada culus dabooli kara baayihii dadka dox iyo dul docdana kala socon karaaya kuwa daran dalkana u roon iyo noolaha duldaaqa dhiiggana warqadaha ugu qora cadowga dulleeya diinta diblomaasigaasi baadigoobkiisu lagu maqnaa baaritaano dheer kagadaal in ka badan 50 sanadood, waxaa haatan oo mawjaduhu sabbaynayaan laga soo fu' siiyay gudaha dalka Soomaaliya kii mudnaa kaaso magac iyo muuqba laga yaqaano qoraxda halka ay ka soo baxdiyo halka ay u foorasato fiidkii liiceeda geeska ka gees daafaha dunidaZACIIMKAASOlagu magacaaboAmb: MaxamedShiikh Mursalmagac miskiin lagama aha maalna Mowlaa loo qabaa.

Magacabu sad weeyee fookankuna waa ficil rag isku dhaafay loo dhoomobuuxsaday dadaal kii ka libkeenay taariikhda ku dhigan, macnaha masuulow maxaad ahayd, magacaan wataa masuul la iskama noqdo, laakiin waa inaad muunad yeelataa miskexna dheeraataa inta miiska u orodda, maxaa yeelay maalmo ku mood iyo waxaan micna lahayn looma wasaqeeyo magaca meelaha ummaddu leedahay laga maareeyo danta guudna lagumaba maraateeyo, haddaanad miirqab iyo matalaadda saxda ah muraayadda aadan maasha Alle ugu muuqanayn xilkana uga soo dhalaalahayn muggiisi sida Amb: Mursal.

Ma ahan inaan siin iyo jiin micnadaro idinku daaliyo, ee laakiin, waa inaan istaabsiinaa istaahilkeeda nuxurka qormadeena iyo macna ahaan sababta wanaaggan qaradawayn uu ku kasbaday ummadda Soomaaliyeedna ay dhan walba uga jeclaatay masuulkan marka magaciisa la soo qaadaba miinlaydu ay afku la maalaan, mashxaradlaydu ay la alalaasaan, dablaydu ay dabridka u sameeyaan, ugaasyadu ay ugu caanashubaan, caruuruhu ay la ciidaan, madaxduna ay la ola-oleeyaan farxad darteed, maxaa wacay waa wacane u dhaganugul shucuubtiisa fiqiir iyo taajir miskiin iyo kifaafle, iyo waliba siqiir iyo kibiir nuucay tahayba iskudhafkeedu bulshadu.

Amb: Maxamed Shiikh Mursal waxqabadkiisu inkastoon ahayn wax qormo iyo labo lagu soo koobi karayo, haddana kaalinta gacantiisi qarsami wayday waxaa ay si wayn u soo bambaxday xiligii uu danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga ahaa dalka Turkiya.

Siyaasigan daacadnimada Rabbigu la soo diray horaana dadku u dareensanayn duxdiisu aadna mooddo inuuba yahay kii loo tirshay ereyada ah "durduryahaw rogmanaya, Daa'inkey Raxmaadkiyo, ummadda ugu deeqiyo waxaa tahay daruuraha roobkii ka da'aaya", waa masuulkii ugu horeeyay burburka Soomaaliya siday u bilowday kadib safiir muuqda ka noqda safaaradda Soomaaliya ee Turkiga kana qabta waxqabad muuqda, waxqabadkaaso aan lagu tilmaami karin kaliya mid safiirnimo, balse laakiin kolka si dhaba luuqad diblomaasi lagu sarifo noqon karaya mid la mid ah dadaal madaxweyne qaran mid u ekoon amaba talaaba iyo laba dhaafsiisan.

Marka koobaad masuulkan waa ninka jafjafay safaaradda Soomaaliya ee ku taal Turkiya oo uu boorkeedu uureynayo kana soo saaray si karti iyo hufnaanba leh qalcadihii qalqaloocnaa ee siyaasadda isku xidha labada dal kana dhigay mid caalami la isku halayn karayo, taaso soo gaarsiisay Soomaaliya in dib loogu dhisoAirport-kawayn Muqdisho si heer caalami ah, islamarkaana horseeday mashaariicda muuqata laga fulsho gudaha dalkeena Soomaaliya sida cusbitaalada qalabkoodu u dhanyahay, tamarta iyo korontooyinka shidaalka aan u baahnayn ee wada ifiyay jidadka caasimadda iyo gobollada dalka, dayactirka dekadaha waddanko idil ay ugu horeyso ta Muqdisho magaala-madaxda Soomaaliya, badeecooyinka yurubiyanka ay Soomaalidu ku adkayd inay geeska Afrika ka helaan ooy maanta hoygoodu ku heleen dhulkii hooyo I.W.M.

Labadaraale, qulqulka Soomaalida oo ciiddaa ka batay danley iyo musaafur qariib ah goortay cagaha soo gelshaan gudaha dalka Turkiga ninka qura raqdooda kolka loo soo sheego walaalihiisi Soomaaliyeed shaqada siduu uga soo orda gaarigiisa calankii buluugga Soomaaliya ka gafuur babbanaya dhaxanta iyo qabowga xitaa gurigiisi jumlo iyo kaliba u seexin jiray goortuu meelo kale waayo goobuhu buuxsamaan, Amb: Maxamed Shiikh Mursal ayuu ahaa iyadoon cidina uusan la kaashan jeebkiisu isticmaalaya.

Inahaasi haddaan misaan xalaal xaqa aan saarno masuuliyinta isaga la midka ihi iyo kuwii ka sareeyayba badi waxaad ogaataa diiwaankana aad ku qorataa inay iyagoon karin haynna qarash warkooda daayo, xitaa iyago haya moodka nooligu karinna karaya inay u gurmadaan dadkooda ay xilka u hayaan aanay sinaba u saacidin dhibbanayaashooda, mooyee inay shilinka jeebka ku shubtaan hambana aan laga helin kuwaaso isku darsanaya horudhac iyo hambaba.

Mid kalo ka sii muhiimsan haatan haddaan milicsano ee uu masuulkan ku dhaqaaqay lagana yaabo in muwaaddin kasta dhiig Soomaali ku jiro ay taabanayso, Amb:Maxamed Shiikh Mursal intuusan noqon Wasiirka Wasaaradda Tammarta dalka Federaalka Soomaaliya ee uu ku sugnaa dalka Turikga, mawdku waa gare kugu haleeli kara meel walba Eebbe qoraye, Istanbul oo ku yaal mid ka mid ah garoomada ugu wayn iskuna xidha caalamka, goorta muwaaddin Soomaali ihi isagoTRANSITihi ama deegaan ku ah carrigaasi tii Rabbi u timaaddo ooy geeridu haleesho, waa masuulkii xabadka u garaaci jiray qofkiiso mayd ah intuu qurbahaasi dhexdeedo wax walba wada qaaliga yihiin kula wareego calankii Soomaaliya huwiyo naxashka sugootis qaran leh diyaarad u soo saari jiray marxuumka ama marxuumadda si loogu aaso dalkii hooyo.

Deeqda Allaa baxsha cid diiddan malaha ,se dadaalna wuu jiraa haddaan la isdabaalinahayn, bal mar kale aan diiradda saarno iyana mid aan sinaba loo dafari karin doqonta iyo dowgaratadu xitaa ay fahmayaan ee uu diblomaasigan dadkiisa daranyada u diiday si digtoonaasha leh dadaalkiisi lagu daaqayo maatadan.

Dalka Turiga danjire Maxamed Shiikh Mursal hortii ma aysan joogin arday Soomaaliyeed oo deeq waxbarasha ku joogta waddankaasi, laakiin waqtilxaadirkakani aynu joogno waxaa dhamaan jaamacadaha iyo dugsiyada nuucyadooda kala duduwan ka buuxa kumaan kuno arday Soomaaliyeed ah kuwaso ku dhigta waxbarashada si lacag la'aan ah labadaraalana jiifkooda iyo cunadooda ay dhuunta mariyaan Rabbulciza ka sokow kafaalaqaadday dowlladda aan walaalaha nahay ee Turkiya, taaso uu ka shaqeeyay Amb: Maxamed Shiikh Mursal.

Goortuu noqdayna Wasiirka Wasaaradda Tammarta Federaalka Soomaaliya inkastooy kolkuu soo faarujiyay safaaradda Turkigu ay buyuqbaayuqday Soomaalidiina ayba iska balanbaleen ka soo tagistii awgeed Amb:Maxamed Mursal, waxaa uu si wayn wax uga qabtay quwadda korontada dalka Soomaaliya kadib markii uu iskaashi iyo heshiisyo labageesood ah quseeya korantada uu ku horumarinayo dalkiisi uu la galay dowlladda Turkiga ooy si wayn madaxdeedu saaxiibo u yihiin, waana waxa ay Soomaaliyada Wayni mustaqbil ahaan isleedhay inay mugdiga uga baxdo sanooyinka soo socda iyo sabanadooda haddaanu seerigu yeerin.

Guntii iyo gabangabadii iyo gundhigga dulucdu, qubarada ka faalloota waxqabadka siyaasiyinta geeska Afrika waxaa ay baalashooda taariikhaha ku qorayaan sida laga soo dheehanayo marka ilqoorka laga eego sirta qoraaladooda "Amb: Maxamedd Shiikh Mursal inuu ka mid yahay mas'uuliyinta dhifdhifka farakutiriska banka u jooga badbaadinta Soomaaliya iyo dabaadigeedii haray, kaaso qaabaalka qaadaadhigga siyaasaddiisi jaangooynta qurxoon lagu xardhi karo baal dahab ah inuu yahay halyeey noloshu aanba libiqsan qarnigan madaxda dacarootay daleedaha kambahduudhsan dabadoodu faydantahay dadwaynihii daawaday ay dariiqyadu isku wareysanayaan tirabadnidoodi".

Amb Mursalna Meeshuu ka Muuqdo Mashxarad mooyee dadku shallaay maba tabaan abidkood !!

By: Ustad Adam

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS