CULIMADIIYAABA GAALADII KA GAARI LA'NAHAY GOOB WALBANA TAAGAN GURBAANKAABA LAGU GAALAYSIIYAY CAAMMADII GEERIDOOD DHEH GODKAANA LAGU GURAY !!

  Sunday October 09, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
.Nuuc walba u mooryaamaynta odaga mooryaan-gareyga iyo jufadiisa Gaalayuus Diiddan Geeddiga Neceb Reer Gubeey, rafaadkii ay gelsheen qaranka Soomaaliya su'aalihii ka dhashay fakaloolkii gaaxay fuskoodi ficil ahaan iyo waxay faleen faranfardayntoodii fajacaba keenay baa wali la iska warsanayaa haraadigii la isuna soo fagayaa jawaabahooga muranka xooggan dhalshay teeriyo sanaddii 1991-kii xukuumaddii Afweyne ay daaqaddu ka baxday,.

si looga farxasho fayoobi iyo fayaqab caafimaad taam ah looga helo fuska iyo fujurka fuuqfuuqaystay fantadaba inoo yeelay guud ahaan iyo farsama ahaan sidii looga fasaqmi lahaa fudaygu firimbigana looga dabaqaadanlahaa fookankooga ay ku farabuugeeyeen fasahaadkan ay faanku ka dooneen kadib kolkii fiintu ku yeersheen dadka iyo dadkiiso nabada sababtana u noqdeen xumaha duligu saaqsaaqmay Soomaalidan maanta fiyuusku wada gubanyey ayna faclan Uweys iyo atbaacdiisu ku fogeeyeen cadhadooda quruuntan kulaasha geeska Afrika, kadib kolkii dadyowgii xasilka iyo nagida ku joogay ay bareen sanaacatul-mawd.

casharadaaso faa'iidooyinkii iyo fuudkii kululaa laga cabbay ay noqdeen fujaashada duusha fiid iyo hiiradba, daaradhaadheero dhulka lala simo, agoon dabamadowo daleedaha baahi bogga iyo beerka isku dhago baqtiya, dhaqanguur iyo gumoobid tahriib mirihiisu maydyey, abaaro iyo macluul iska taagan gu' iyo dayrba, sumcaddaro baaxadwayn, busaarad aan marna laga bixin, qamaam iyo dagaag, damac iyo waali, qaxaanqax ilma qoorta lagu sido qarsin loo hayn, qubuuraho mishquul ah iyo khasaarooyin naf iyo maalba lagu waayay mood iyo noolba, kuwaaso soo waariday diinxumo casrujaahili.

sida dil macnadara tuu ka digayay rasuulku cs, iyo dibudhac aad u qotadheer, taaso cuslaysay ama ulasada ku xidhay dowlladnimada iyo sharafka karaamada magac ahaan sinjiga Soomaaliga daafaha dunida shanta qaaradood madow iyo caddaan gaal iyo Islaam ooy la yaabaan musiibooyinka muruqkusamayska macmalka ku habsaday shacbiga Soomaaliyeed, mahiinadahaaso baddalay magac ahaan halkii ahayd Soomaaliya macnawiyan noqday Siimaaliya.

Waxay ahayd horaantii bishii Jannaayo sanadkii 2008-dii kolkii ay Warbaahinta xoogga badan leh ee Koonfurta Soomaaliya afka qalaadna loo yaqaan Southern Media ay cagaha gelisay gudaha waddanka Eritrea oo la daris ah dalal badan oo Afrikaan ah Carabina aanay ka madhnayn, xiligaasi Soomaaliya waxaa ka socday dagaallo aad u waawayno faraha looga gubtay bilowday 19.12.2006-dii oo u dhexeeyay dowlladdii hoggaankeedu hagayay urur siyaasadeedka SRRC Cabdullaahii Yuusuf ina Yey madaxwaynuhu ka ahaa iyo dowlladda Itoobiya 400 taangi in ka badan 100kuno askari wadatay isku garab ahaa, iyo, Midowgii Maxaakiimta Islaamiga qashinku ka buuxay, kuwaaso ku loolamayay gabi ahaan bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya min Bandiiradley ilaa Beledxaawo Doolow seeriga xuduuduhu dalka.

Cadowgaaga cadowgii waa saaxiibkaa iyado oraahdii weeyeel yiri laga soo cibarqaadanayo, Eritrea oo colaad gaamurtay kala dhaxayso Itoobiyada la jiiraanka ah, waxay si kal iyo laab ba leh ay u soo dhawaysay sacabo furana dalkeedu ugu fidisay cid kasto Soomaali ah ka dhanka ah dowlladda Itoobiya, taaso fursad gabbaad iyo naf furashaba u noqotay siyaasyiintii la baxay Baarlamaanka Xorta ee ka soo goostay xukuumaddii Kumeelgaadhka iyo wadaaddadii cimaamadaha laga biibshay ee Maxaakiimtii ummadda dabka iyo holanka ku soo shiday deetana uga soo carareen dharaar cad goobaha dagaalka.

Sheekh Xasan Daahir Aways oo ka mid ahaa saraakiishi kacaankii milatarigii afka ciidda loo daray darajadiisuna gaarsiisnayd kornayl ahaana hoggaamiyihii Ruuxiga Golaha Shuurada Midowgii Maxaakiimtu, waxaa uu xiligaasi ahaa gudoonka Ururka Dib U Xoraynta fadhigiisu yahay Asmara, isago cimaamaddii lagu yiqiin intuu iska tuuray surwaal iyo shaati futushaari feeraysan gashtay lana haray koofiyaddii dheerayd khayaanada waynayd ina-adeerkii Caydiid wadan jiray kahor intaan laga qaban caalamkan.

Waqtigaasi isaga iyo saaxiibkii Shiikh Shariifka wajiyada badan ahaana Gudoonka Golaha Fulinta Maxaakiimta aakhirkiina noqday madaxweynihii dowllada Kumeelgaarka Federaalka Soomaaliya, waxaa ay wada joogeen meelo isu dhow caasimadda Ereteriya, waxay dagganaayeen guryo aad u raaxa badan mukayfyadoodu carfayaan, iyado midkiiba ay u joogeen min afar afar xaasas inamo yaryaro dhayla ah, cagsigeedana shacbiga Soomaaliyeed qaasatan Muqdisho dadku waxay marastoodu dhoobnaayeen labada jid ee Xamar galo kana soo baxa ceeliyaal Ceelasha iyo Cirfiid xabbadduna ay ku sii socoto baad aanu jirin biya la'aantuna nololmaalmeedkeedu ka mid tahay dhibtu amnidarada boobka dilka iyo kufsiga leh u dheeryihiin.

Sidaasoy tahay, Shiikh Uweys iyo xertiisu waxay shucuubtu ku boorinayeen inay dagaalku wadaan habeen iyo maalina qaraxyada u taakataakeeyaan aakaha olola aysan ka daysan Itoobiyaanka iyo siday yiraahdeen dowlladda Riddada ooy ula jeedeen tii Cabdillaahi Yuusuf iyo wixii la shaqeeyana ay gowraca ku jiidaan xitaa qofkii biya ka iibsada ama xabbad muus ah.

Shariif Shiikh Axmed ayuu ahaa, ninkii isago Asmara mukayf ku dhexjira guri amni gaalo dhex jooga idaacadda BBC-da laanteeda Afka-Soomaali-Maxaga si is-dabajoog ah ugu guubaabinayay dadku inay dagaalku wadaan, isaga iyo Uweys ayay ahaayeen qolyihii oranayay "xiligan carwo At-Towba Bakaara ku taal ayaa la bililiqaysanayaa jihaada dadow dalkiina u dhinta carada Mareykan ta Illaahaa inooga daran dal gaalana ha aadina ninkii aada dal gaalo dalkiiso gaalo ku soo duushay waa uu riddoobay".

Laakiin taa baddalkeedu, Warbaahinta Koonfurta Soomaaliya, waxay indhaha ku dhufatay aminkaasi 200 qoys oo jufada hoose Shiikh Xasan Daahir Aweys ah, kuwaaso daayarad looga keenay Soomaaliya lana dajiyay meel la yiraahdo MUKULE oo ku taal magaalada badda lagu dhex jaray MASAWAC taaso qayaastii magaala xuduudeedka dakadda wayn CASAB u jirta 750 KM.

Qoysaskaasi goortii la keenay xerada qaxoontiga aan kor ku soo xusnay, waxaa madaxweynaha Eritrea uu hayadihii gargaarka caalamiga halkaa ka shaqeynayay uu cadaadis ku saaray in 2-daa boqol qoysaska oday Daahir si degdeg ah Canada loogu qaado lagana horumariyo liisaskooda liisaska kale dadkii teeriyo 1991-kii sugayay leemanka xambaarka debadaha Yurub Ameerika iyo Awstaraaliya, caddaaladaradaaso uu ka soo shaqeeyay soona karkariyay Shiikh Uweys bacdama uu la saaxiib ahaa madaxweynihii martida loo ahaa ISAIAS AFWERKI.

Caqligu goortuu fooraraabay arrintuba xumaataa, maxay la hagaagi la'dahay ayaa lala addimayaa mar walba Soomaaliya, siday ku hagaagaysaa wadaadkiiba hadduu sidaa samaynayo lugtuna ku walaaqayo xeerada, waa shiikha taagan dagaalama dal gaalo lama aadi karo, dhanka kalana waa wadaadka dhaylada ku raaxaysanaya caruurtiisaba daayo ee uu jufadiisi oo dhan ummad masaakiina sanooyin badan wax sugayay calafkoodu u dhibaateeyay, waana xaalatul waalo walanwalan ratiga oo caloosha laga rarayo kolkaad dhugatid xaajada sida sawirku kuu muujinayana dulucdeedu dhadhan ahaan dhabtii noqonaysay warkii ay ka dhawaajiyeen caqlabiyadii aamuska lagu badbaadin waayay afku juuqdu gabay weedhoodi "Culimadiiyaaba Gaalaadii ka Gaari la'nahay Gurbaankaaba lagu Gaaleysiiyay Caamadii Geeridood Dheh Godkaana lagu Guray".

Shaki kuma jiro inay jiraan culimo qaadatay sifada Allaah SWT looguna magacdaray Rabbaaniyin oo siday ku aroortay iyo sida saxda uga run sheega diinta Islaamka munasalka, laakiin xisaabta marnaba lagama reebi karayo inay buuxaan badna yihiin mooryaan-diimeedyo wajiya badan leh dhankay ka gashaba bahasha geerka gelsha kab walbaana la egtahay tii loo keenaba sida Kornayl-Magudbe, kaaso waligii ku soo dhex jiray jabhadayn hoog iyo halaag uusan marnaba ka lib keenin taariikhda islamarkaana ku kor dukan jiray sali ama masalle dhiiggu uu ceegaago had iyo jeerna ka dul qoyanyahay.

Dalka Eritrea oo inta badan dhulkiisu xeebi ku dhararsantahay, waxaa burburkii Soomaaliya u soo qaxay Soomaali oo idil, Soomaalida daggan muhaajiriinta ah ayay badankoodu waxay ku noolyihiin oo hooy iyo harsiba u ah xerada MUKULE oo aad ugu dhow magaalada MASAWAC, magaaladaaso lagu tilmaamo inay tahay caasimadda labaad ee waddanka Eretereya ayaa ka shaqeeya tareen nuucyadii hora isaga kala goosha magaalada iyo xerada qaxootiga, walow ay jiraan basas yaryar aad u fudfudud nuuca Soomaalidu u taqaan Caasiga inta u dhaxaysa Masawac iyo Mukule ka shaqeeya, ayaa haddana tareenku wuxuu fursad u siiyay muhaajiriintu inay si hawlyaro cusri ku jirin adeegyadoodu ugu gutaan bacdama lacagta lagu raaco ka raqiisanyey ta caasiyada, islamarkaana alaaba culculusi ay dadku u baahanyihiin aanay basasku qaadin karin la soo koraan tareenka dushiisi si bilaa qarash ah. Dadka u dhashay Soomaaliya halkaa ku nool baa waxay u qaybsamaan 3 qaybood loona yaqaan JEEJNIYA BOOSNIYA iyo HUUTUU.

JEEJNIYA waa aqlabiyad ahaan qolada ugu tirada badan meeshaasi, waana dadkii soo jabay badi sagaashamaadkii ku qabiilka ahaa madaxweynihii kalitaliga ahaa Afweyne, kadib kolkii dheeshu ka soo xumaatay gaarigu ka banjaray kursigii ummada sida khaldan awoodda dalka iyo dhaqaalihiisi la isaga tagrifalayay lala qalibay habaa'an mansuuran eber la soo istaajiyay, BOOSNIYANA waa qolada labaad ee badnaashiyaha qaxoontiga rugtaasi loo tiriyo, waana qabiilka wasiirkii beeraha xukuumaddii dhiigyacab Maxamed Siyaad Barre dhanna Afweyne abtiga ugu aaddanaa lana moodi jiray midka ugu daacadsad wasaradiisu Bile Rafle Guuleed alrajulul funduqul AL-BARAKA HOTEL min Muqdishu, halka HUUTUUGUNA ay soo galayaan kaalinta saddexaad laguna sheego inay yihiin labadaa qolo wixii ka soo haray Soomaalida. Kornayl Magudbe inuu xildoon ahaa diintuse shaar la huwanayay oo kale ay u ahayd waxaa kuu caddaynaya, in kolkii baarlamanka 550-ka la isku darayay Jabuuti lagu soo yabyabayay dowllad uu gorgortan galay, gorgortankaaso ahaa inuu noqdo sidii Maxaakiimta HOGGAAMIYAHA RUUXIGA AH, yacnii talada ugu dambaysa ee dowlladda inay isagu ka go'do sida Iiraan AAYATUULLAAHI KHUMAYNI, taaso goortii uu waayay Shariif kaga hor yimid Muqdisho isago wata hubkii Eritrea ay u soo rartay si loogu gumaado shacabka Soomaaliwayn dan ku taagan kursi awgeed.

Ragbaaba laga hayaa "war laba gaal iskumakay dhaamaane, kayga Galbeed baan raacayaa", Uweys goortii uu Xamar yimid fatwooday in wax Allaaliyo wixii geddiga uu joogo aan ka ahayn jooga birta la raacin karayo kuna dhawaaqay calanka Soomaaliya inuu maro uun iska yahay lana gubi karayo aan wax dhibaata lahayn oo fatwadiisi qaraxyada iyo maarta shacbigii lagu xasuuqay la aasi waayay tira badni awgood, waxaa isna Illaah ku salladay ururka Al-Shabaab oo sidoodaba mabda'iyan aaminsan in urur aan ururkoodu ahayn mid diimeed aan sinaba geeska Afrika uga dhax jiri karin, taaso horseedday in Xasan Daahir intay qabtaan LABADA ILKOODO HORE BIINSO KAGA SIIBAAN, kadibna hubka ay ka dhigaan. Ceelasha biyaha ee uu ururkiisi kursi doonka XISBUL ISLAAM ka talinayay, Mukhtaar Raabow ayuu ahaa ninka 40-ka baabuur candhamaydlayaasha ciidanka ciirciiraya watay ee goor galaba Ceelasha-Biyaha xisbul Islaam indhahoodo shanta ah hubkii Asmara laga soo daabulayay khasab kala wareegay 2 casho gudaheedana Shabaab uun idaacad ka sii daayeen in la gaaray heshiis midnimo oo loogu wanqalay CAAMUL JAMEECA, inkastooy taliyaashii ciidanka XiSBUL-UWEYS sida CABDUQAADIR KUMAANDOOS iyo CARAALE KAA CILMI BADAN ay saacado iswaalwaaleen, haddana aakhirkii iyaga iyo Uweyskooda la shabshay lana shabaabeeyay shuruud la'aan.


Geyi dheer jacayl tagay, ee galbadaye mar hore tagey ,ee aan la gaarayn lagama daba go'leeyo, waa xaalad khasaaro waji walba la soo bax dhiig tiradaa la' eg daadi, haddana waligaa kursi ha helin, isago ilaa 90-maadkii Dhuudo iyo Saliid Boosaaso bariga Soomaaliya ilaa Luuq Gedo Kismaanyo Koonfurta Soomaaliya bani aadam lafoodu ku shiiday magac diineed, iyado xitaa dagaalladii Bariga isaga iyo Kutubawaynaha ganacsadaha reer Bandarqaasim ay gacanta ku dhigeen ninkii xabbadda ku soo ridayay Cabdullaahi Yuusuf Axmed, kaso goortii ay qabteen kala dooransiiyeen nolol iyo geeri jawaabta uu siiyayna ay ahayd "haddaad hadda i dishaana reerkaygaa idin baabi'in, haddii aad haatan i sii daysanaa futadaan xabbadda idin ka gelin", ma ogtahay gacan gadaal ka cabsanaysa inaysan geedna gooyn, Usweys iyo xertiisu waa ay baqdeen siina daayeen Ina YEY, isaga ayaana aakhirkii u soo dhameeyay kuna soo dhilay rasaasta dhamacda gudguduudan mooryaan-gareyga iyo jundigiiisi dhacdhaca badan leh teeriyo Shimbiraalana caddaan la geeh. "Ceesaantii mas iyo good madax shabeel leeftaa malageedibaa galay, shimbirkii duulduul badan isna mar uun inuu madax abeesa ku dagtaa way u badantahay, lugihii meel istaagi waayaana mar uunbay halis limbadaan", waa murti ku guda haboon meel marinteeda marka laga faaloonayo mawduucan oo kale waxtarkana u leh dadka shacabka Soomaaliyeed dulman ee dushaado lagu loolamayo islamarkaana dhiiggooda sida faantada loo cabbayo lagana baayacmushtarayo xinjirtooda guduudan, Shiikh Uweys wayba karaameeyeen Shabaab, maxaa yeelay way u labiseen gabdho yaryarna waa ay u guuriyeen odagu, laakiin maxaa ka raaci doona fadhfadhlayntiisi dabadeed.

Dagaalkii Dayniile Shabaabku la galeen ciidamada Amisom Ugandi iyo Burundi kolkii sambuurtu la xasuuqayay dhiiggu qulqulayo ayuu Shiikh Uweysow isago aroos ka soo baxay aaggaa Marko iyo Baraawe jooga idaacad ka dhalleecayay Shabaabku, waxba umay dhimin maalintaa, balse way naqdiyeen warkiisu.

Ninku waa nin jaga doon ah ma aamusayo, laakiin kolkii xigtay wariye Xasan Cadde ooy isku jufo yihiin jooga Ingiriiska una shaqaynayay xiligaasi Somalichannel ayuu wareysi uu ku durayo Shabaab uu bixiyay, waa Uweyse, wareysigaaso ka muuqatay qaabkuu u digayay in Al-Shabaabku ay talada maroorsadeen, balse maalmo badan kama soo wareegan Xasan Daahir Aweys goortii goor habeen ah weerar xooggan lagu soo qaaday xiligii la dilayay IBRAAHIN AFQAAN iyo MACALIN BURHAAN ee uu GODANE u dhamaynayay, habeenkaasi haddanu Shiikh Mukhtaar Roobow oo ciidama wata halkaa jiigin, SHiikh Uweys waa la qararamsan lahaa, nasiib wanaagse, Shiikh Mukhtaar Roobow oo ciidamo xooggan watay ayaa daafacay Xasan Daahir doonina ka soo saaray gudcurko taagan wali magaalada BARAAWE, taaso siday u soo sidday keentay xeebaha tuulooyinka gobolka Gulguduud ee uu asal ahaanba ka soo jeedo odagu bartamaha Soomaaliya, kulu sheey yarjicu ilaa aslihii. Walow Uweys uu isku dayay inuu goobahaasi ku sii dhuumaalaysto, haddana ma aysan u suuroobi karin inay ciiddu wax badan sii qarasi isagu maadaama carrada dadka u nasabka sheeganaya ay ammaan buuxa ka heli waayeen, halka natiijaduna ay noqotay in CABDIKARIIN GUULEED oo wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlladda Federaalka Soomaaliya ahaa kana tirsan xisbiga DAMUJADID waqtigaasi CADAADO xili casirliq ah diyaarad odayaal Hawiye u dhanyihiin Shiikh Uweyso ceeb wajiga dabooshay ka soo saaray lagana soo dajiyay garoonka Muqdisho habeen mugdi ah, iyado aad halkaasi loogu jir dilay isaga iyo odayaashii la socday beeshiisi ka soo jeedayba ilaa uu dhiig hunqaaco Aw-Uweys.

Waa hubaal Xasan Daahir Aweys inuu ka khuustay siyaasadda gaarina waayay hankiisi uu dad u laynayay sanado farabadan, laakiin qabiil dartii ninkii intaaso marrasa dhameeyay dambiilihii waynaa ahaa safmareen caammada iyo culimmadaba waxba aan kala reebin birta ku aslay, curyaamintii addimuhu gooyay wali jidadka dabada ku gurguuranayaan, qaarkii gacmuhu ka jaray sababo daciifa gafuuradu isku salaamayaan maanta, waxaa la siiyay guri raaxo iyo nolol sare xaasaskiisuna waa uu la baashaalayaa waa uuna moolaysanayaa odagu, laakiin haatan, haddii qofkan la soo qabtay uu ahaan lahaa Shiikh Mukhtaar Roobow Cali Abu-Mansuur, ama Shiikh Mukhtaar Abu-Muslim, tolow MUKHTAARYAAL sideebaa loo geli lahaa ama loola dhaqmilahaa bay kula tahay, ma loo moolayn lahaa sida Shiikh Uweys, maya, mise waxaa la oran lahaa waa dambiilyaal waawayn idaacadihii iyo afkaan ogaynbaa arrintoodu inay khatar tahay loogu buunbuunin lahayo deetana into la faraxumeeyo tiirka la geynlahaa iyado lagu wiirsanayo dadkoodi, ninka Koonfurta u dhashow jawaadtaadu maxay noqon lahayd adigu hadday hilbahaagu marna nuuxsanayaan? Sidaasina waa caddaaladda Soomaaliya oo gaadhay xoogxoog meeshii ugu xumadarayd, waa caddaaladda tilmaantay in waagii Maxaakiimtu Uweys uu madaxda ka ahaa dhaca tooska Xamar laga joojiyay, AGOOYE, Marka iyo Baraawe guud ahaan gobolka Shabeellaha-Hoose Koonfurta Soomaaliya Cirfo inadeerkii iyo Goobanlihii go'go'ay iyo Indha-Cadde seeddigii oday Daahirku haysteen xitaa masaajidda cashuur baada ka qaadayay biyaha webigana isla dadkii iskalahaa liitar liitar uga iibinayay, meeday shareecadii Islaamka Shiikh Xasan Daahir Aweys ee uu hoggaaminayay, Shareecada gaadhay Bandiiraladey, Godiblaba, Mareergur, Guriceel, Matabaan-Garoore Hiiraan iyo Jowhar ilaa Kismaanyo, laakiin gaari wayday ama ka boodday gobolka Shabeellaha-hoose Baydhabana gaalaysiiday xabbaddana u soo qaadatay waa tuma iyo qofka hoggmaaniyaba annigaa kugu dhaqiye i dhagayso ku leh. Middida daabka laga haayo doqonta waano ugu filan nin ku dagayna ha u dhicin dhul waligaa !!

By: Ustad Adam Increase

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS