BAYDHABOOY INTAAN KURSIGA SAARANAHAY KUUMA BAAHNI LAAKIIN KOLKA LA ISOO KALBA KALBEEYO SOO YAABAAN KUU BAAHANAY BAYDHABO !!

  Sunday September 25, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
.Aduunbaaba gabaryahay gedaafeeyay timaho gega lagu bulsheeyiyo guudfiranaaya, miyuu wiil geyaani gobi maanta joogaa, geeri weeye caydhuye, sow tan layday gaajadu, nimaad garabka saartiyo miyuu geesi noolyahay.

Adigaa gargooyoow webigii Ganaaniyo dhul durdura ku yaaloon abaaruhu ku gaarin, Gabboodkii dhulkeenaba miyaad geed ku aragtaa, gormago'ankii mooyaan aaway lagama guurine, Galoolkii maraagii sow kan gooyay jiilaal.

Adigaaba geenyooy guluf iyo colaad iyo weerar geli karaayo itaalkaagu gaaray, geestayada miyuu farasgaashaadi joogaa, sow kan caata gaabshay higsanaaya geeddiga, haddiise guuya lala tago miyaa laguu gurmanayaa. Adigaaba goronyooy good iyo shabeel iyo ka aargoosanaayo gurigaagu samaaday, laakiin gubanka iyo hawdkiyo xoolihii geyiguu maray lixdiisi geesood, haddii gabraartii geddiga kale la guureeyaan maxaa duni laga gaaraa.

Sideedaba balad ahaan Baydhabo waa in ay buundda dheeraataa boqolaal baldaan, mise ba'aan buro ku taal foolka, ama naag bilcoono waxay baratay kaa wayday, waana burmariido meel ka bugto lagu baxnaaninaayo siyaasiyinta ku quluqlaya magaalada istiraatiijiga ah ee Baydhabo ahna xarunta labaad dowlladda Koonfurta Soomaaliya iyo ta federaalkaba oo Baydhabooy maxaa haykalaay dhaaxaana kugu dhax dhaqlaysay dhalasha kuu sheeganayso, balse aan kuu dhowayn intuu dhulku dhumuc jiro dheeraan cirka.

Sida aad ka wada warqabtaan dadweynow ogow annagana aalaaba idin la soo socodsiino si joogta ah, waxaa magaaladaasi magaceedu maguuraanka aynu kor ku soo xusnay xarunta gobolka Baay sida xaj inuu ka furmay oo kale ugu safrayey kana dagayay maalmihii la soo dhaafay siyaasiyin iyo xildhibaano sheeganaya inay u dhasheen halkaasi, laakiin dhogorta mooyaane dhulka iyo dadkiisi dhururuqna aan ugu fadhin bal dhalaashanaya dhuuxooda shacbiga, kuwaaso kolkaad u fiirsatid qaab dhaqandhaqankoodu dankujoogga u muuqdo sifatu munaafiqiintii Quraanku in badan kaga hadlay khatartooda tu ka badan khataraha quraanka ku xusan ee ka dhanka ah gaalada loo asteeyay inay yihiin cadaawaha muslimiinta.

Dad badan indheergarada marka laga yimaado, waxaa dulucda qoraalkanaga fahmi karaya xitaa shaqsiyaadka indhowgaradka ah wax badan soo fahmay dabadeed kalkii in mudda Warbaahinta Koonfurta Soomaaliya ay aqristeen taasoo xaqiiqda ka waranta aakhirkiina ay gabowdhicisay macnaha salka runta asal ahaanba ka jira mowjadaha siyaasadaha sarasabbaynaya ooy marna baxaa dagaaya sidii dooni laasha badwayn hir culusi helay mitiraad hoos iyo korba uga kiidfakfakanaysa biyuhu xaalkeeduna yahay Allow sahal haatan uun, taasoo ku taagan waxa dulsaarana oraahdii caanbaxday afka qalaad Taliyaaniga ahayd VIVO O MORTO LAMA DHATO DHATOWAA TEEGANAA nolol iyo geeri.

Gabaahirtan gafanayaasha caraasinayo orodka cartaminayo Muqdisho ka imanaya si ay uga soo xijaasa qaataan shacabweynaha Koonfurta Soomaaliya oo xildhibaano iyo wasiiraba leh, waa kuwii sanooyiinkii ay xilka hayeen inaba xitaa gadaal u soo eegin shacabkii ay matalayeen iskaba daayo inay soo dhex istaagaanoy wixii xilka loogu igmaday ay u qabtaan iyo wax u dhow toona, balse doqonimadoodu xiligan goortii la yiri "Dowlladdu waa Dimoqoraaddi Federaaliisam ah, ee waa in qof waliba dadkiisi iyo gobolkiisi uu tagaa kana soo cod-helaa, haddii kale baarlamanka ma dhex imanayo", ay sidaasi u soo carareen una tageen gobollada Koonfureed ayna ugu horayso caasimadda Baydhabo si ay mar kale kaarka uga marsadaan bulshawaynta Koonfurta Soomaaliya iyagoon hadhowdiina kolka dowlladda dhexe ay ka mid noqdaan waji BUTTAANO ula soo baxaaya shacabkoodi, yacnii dantayda waan gaaray dhiiggiinaan shilimaadka ku daadsanayaa.

Haddaan tusaale u soo qaadaano xaardhibayaasha xaarwalwaalada ummaddan qaskeeda iyo fowdada dhibbaangalka wixii ku waday uun kaalkaalayay haatana Baydhabo tagey inkastooy tirabeel yihiin aflabadii daan "cod i siiyooy" yeeray, waxaa ka mid ah-Hebel Ibraahin Yarow iyo Heblaayo La-Helow iyo waliba Fulaan Jawaari iyo fulaan Shariif xertooda iyo fulaano kalo u adeega Reer Fili, kuwaaso sida aan ognahay xitaa qorshohoodu tahay inay lacaga laaluusha siiyaan malaaqyada si mar labaad liisaskoodu loogu soo gudbiyo guddiga doorashada dowlladda federaalka dalka Soomaaliya doorashada aqalada iyo madaxweyne loo madlanyahay bisha Oktoobar sanadka gudihiisi.
Haddaba, annagu haddaan nahay Warbaahinta Koonfureed, waxaan ballanqaadaynaa wacadna ku maraynaa inaan magaca malaaqa ama suldaankii qaata shilin xaaraano laaluush ah si loogu doorto xildhibaan ka mid ah araaddisa dillooday masiirka ummuaddan iyo magaca guudba aan soo bandhigi doono magaciisa, islamarkaana wajiga hore ee warbaahinta aan soo saari doono, iyadoon waxba loogu aabbayeelahayn magac iyo muuqba, maxaa yeelay Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa "biyo intayan ku soo gaarin ayaa la iska moosaa", sido kalana, waxay sii raacsataa "cudurkii curudka kaa dilaybaadna gardambaha uguala cabsootaa", taasaana macaquul ah sida caqliga saliimk ahi uu tilmaamayo in laga hortago cid walbo cambuusaysa midnimada iyo horusocodka jiritaanka koriin-siyaasadeedka dadyowga Koonfurta Soomaaliya ooy dilloodeen duulshowga darisyada lagu daray middida walaal doqon kaa noqday daabka laga hayo dareen la aan adiga uun lagugu durayo dukumiintiga dunidana laguugu daraafgareynayo "dee walaalkiisaa dilay".
Warbaahinta iyo qubaradeeda ka faalloota siyaasadaha geeska Afrika, waxaa ay ku talinayaan in shacabwaynaha Koonfurta Soomaaliya guud ahaan ay wajiga ka candhuufaan xildhibaanadaasi danlayda dhuuntooda-u-orodka ah kana diidaan rabitaankooda iyo mar kale kursiga una diidaan codkooda, sababtu waxay tahay dadweynoow, lama tuuro dhagax ama waran adiga uun kugu soo noqonaya, haddaad codkiinan aad siisaan aalkolaystayaasha marfishyada Xamar ayago idin matalayay magaciina la fadhiyay guddaafadaha, misna masiirkiini ku taagnaa ugu faa'idaynayay cadowgiina, haddaa taasina waxay la mid noqonaysaa leebkii aad gacantiina ku ganteen inuu isla adinka idinku soo laabto deetana wareegga dhiigga iyo halbowlaha xididdada waraabsha kiinaa wareemo walalacdiisi.

Misaal gaabano hor leh haddaan ka soo dheegano ficilada gurucan ay ku kaceen dabadhaqayaashan Baydhabo idiin taagan xilaan rabanaana maantan ku haya, Xaawo La-Helow kolkii ay wasiirka caafimaadka Federaalka Soomaaliya ahayd, waxaa ay dawooyinka si isdabajoog ah uga dajin jirtay magaalooyinka Cadaado iyo Galaakacyo iyo qaar kalo dhinacaas ah, iyado deegaanadii ay ka soo jeeddayo dagaalladu halakeeyeen baahii ka badan kuwa kalo wax ku daabulaysay jirtay.

Federaalku macnihiisu waa wax la isku dardarsaday, qolo walbaa deegaankeeday matashaa waxna uga soo dhicisaa kalaabkaasi, annagu ma hayno teeriyo haatan burburkan dowladihii la dhisay wasiir ama xildhibaan ka soo jeeda Waqooyiga Muqdisha wixii ka bilowda jiiddaan dheer ilaa badda Bandarqaasim loo gaaro Lowyacdde Togwajaale oo dawooyin iyo mucaawnooyin dowli ah u gaybinaya gobollada Koonfur Soomaaliya, laakiin si isdabajoog leh baan u aragnaa isagoo deegaanadiisi uu ka soo jeeday gargaarka iyo agabkii dowlladda Federaalka uu dadkiisi uga soo dhicshay geynaya gobolladiisi misna ku faanaya waliba, inahaasi marka isubarbardhigno wasiirada Koonfurta ka soo jeeda iyo kuwa kale, sow kuwa koonfureed soo bixi maayaan inay dabaajiriin aqasunaas waxba isku falino damiirka dhintay dunidu xaarwalwaalka daba-u-dhaqaal facoodu yihiin aakhirana naarta xaaba looga dhigayo jaaniskoodu cuneen.

Haatan iyo qodob kale aad markhaati ka wada tihiin baan kuu tuurayaa daloolka dhagaha si buuxa uga qaad miskexdana aayar soo jeedi si uu duxo warku, maxaa wacay ninkii dux iyo iimaan leh bay wax u dambeeyaan waqtigan. Muqdisho kaamam waawayn ayaa laga ootay maraan dhowayn, dadka ku jira kaamamkaasi qaxoontiga ah, waa la yiraahdaa waa Soomaali oo dhan , laakiin xaqiiqda kolka loo laabto dadyowga halkaasi ku jira oo ku bahdilan kuna balanbalay boqolkiiba 95 waa Reer Koonfur.

Mar sii dheer waxaa la keenay qorshe aad u wanaagsan UN-ka lagala kaashanayo ee dib loogu celinayo deegaanadooda, dadkaasi kaamamka xaryaha Muqdisha ku oodan, waxaa hor istaagay oo ulasada ku xiray barnaamijkaasi dib u dajinta waxay ahaayeen XILDHIBAANADA maanta ordaya raadinaya mar labaad iyo mar saddexaadba in la soo doorto, iyagaa sandareerto dadkan dadka u cadowga ah ka qaatay ogolaadayna in sawiro tabcaan ah laga qaado dadkooda si caalamka loogaga soo tuugsado iyadoon dheeftii sawiradooda ku timaaddana waxba laga siinayn, waxay qalinka ku duugeen in codod laga duubo dadkoodo muujinaya inay rafaadsanyihiin walibana Af-Maay lagaga qabto kadibna warbaahinada gudaha iyo dibadda laga sii daayo, iyado danta laga leeyahay ay tahay in lagu tuugsado isla ayagiina uun lagu bahdilo, nimankani xildhibaanada Koonfurtaan matalnaa leh maanku abaaroobay, waa eeyihii dadkii qaxootiga ahaa ee Koonfureed kolkay damceen in iskooda isaga guuraan xeryaha lagu rafaadsaday Muqdishao mooryaantii Maxaga ku dalbaday qori caaraddiina ku maquuniyay shacabkii horumarka u socday si ay gobolladooda ugu laabtaanooy if iyo aakhiraba wax u qabsadaan Wal yaabi, waxaa yiri abwaan Tarash abwaanka abwaanada Koonfurta Soomaaliya, suugaan kala ka dabatimid oo ka tarjamaysa khuusta ay Baydhabo ka joogto xiligan xildhibaanadan sida ariga ugu soo qulqulaya waxayna leedahay "Allahayoow geel gaalo Islaamkana soo garabqaaday noo soo gola geli", tolow kursi hoggaan sare kuwan dig iyo damta leh asaagooda afyarahooda ula daydaaninaya xoolaha dadka siday u cunayeen xulustu waynaatay sidii caadhalood markale laga kuday uusta loo buuray miyaa cidlo laga helayaa ilaa Qiyaamuhu wiishku yeerana, mise waxaa jira wali wax raja ka qabo baalashlayaasha Viila Soomaaliya, Wallee buuranbuuran cagaballaaran ninna ma aha naagna ma aha waa naannaabad.

Guntii iyo gabangabadii, bulshawaynta Koonfureed waxaa si macaquul ah dhiillaysan loogu sheegayaa inay ka fiirsadaan cidda ay u dooranayaan ka mid ahaanshiyaha Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya, taladuna waxay tahay, dadka wax dooranaya duubabku ay hormoodku ka yihiin in ay soo xulaan markakan dhallinyarada dhiigga leh har iyo habeen ku faanta dhaqankooda suuban iyo ciiddooda bilan kuwaaso u damqanaya misna u diirnaxaya marastoodan daleedaha daadsan iskana dhicin karaya wax Allaaliyo waxaan Maayow Mayba ahayn waxa loogu yeero Maxaga. Lo'duba yeeryeer way isbartaa tanuse waa yaab !!
By: Adam Increase

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS