Claudio Ranieri: “Hadii Riyad Mahrez Uu I Weydiisto Inuu Ka Tago Leicester City Waan Ceejin Doonaa”

  Friday August 12, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
.

Tababaraha kooxda Leicester City Claudio Renieri ayaa shaaca ka qaaday xidiiga reer Algeria uusan waligiis u sheegin inuu doonayo ka tagista Leicester City, balse hadii uu sidaas sameeyo uu la kulmi doono cawaaqib xumo.

Macalinka reer talyaani ee xagaagii lasoo dhaafay u hogaamiyay EPL-ka Leicester City markii ugu horeysay ayaa u sheegay inuu ceejin doono xiddiga noqday kii ugu wanaagsanaa xagaagii lasoo dhaafay EPL-ka hadii isku dayo inuu weydiisto ka tagista garoonka King Power Stadium.

Arsenal ayaa si ba’an loola xiriirinayaa xidigaan heerka caalami, balse Renieri ayaa ku adkeysanaya in Riyad Mahrez uu joogi doono kooxda Dawacooyinka lagu neynaaso.

Renieri and Mahrez

“Riyad wuu nala joogi doonaa, waligiis inta ii yimid ima oran waan baxayaa, balse haduu sidaas sameeyo waan ceejin doonaa!!” Ayuu yiri macalinka reer talyaani.

“Wuxuu ku jiraa xaalad fiican, laga yaabee iney waajib nagu tahay inaan kubadda u baasno in badan isaga”

“Waa garab, hadii qofna uusan u baasin kubadda ciyaartoyda garbaha, kama soo baasi karo kubadda kursiga keydka” ayuu yiri mar kale.

25-jirkaan reer Algeria ayaa xili ciyaareed fiican ku qaatay King Power Stadium isagoo dhaliyay 17-gool, sidoo kalana caawiyay 11-kale, Foxes ayaana horay u weysay Kante, balse ma dooneyso markaan iney Mahrez lumiso.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS