Ciyaartoyda Muslimka Ah Ee Arsenal Oo Codsaday In Masjid Laga Dhiso Meel Aan Ka Fogeen Garoonka Emirates & Maamulka Gunners Oo Ogolaaday

  Friday August 12, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
.

Sida laga soo xigtay shaqsi aan la magacaabin balse ka tirsan shaqaalaha Arsenal, kooxda ka dhisan waqooyiga London ayaa qorsheyneysa iney Masaajid ka dhisto meel aan ka fogeen garoonka Emirates Stadium.

Codsi ka yimid ciyaartoyda Muslimka ah ee kooxda sida: Granit Xhaka, Mesut Ozil, Yaya Sanogo Iyo Elneny ayaa sababay in kooxda Gunners ay ogolaato iney fuliso arinkaan.

“Wey Qorsheyneysaa waana laga wadahadlay” ayuu yiri qof ka tirsan Arsenal oo aan magaciisa la helin.

Balse waqti xaadirkaan ma jirto wax heshiis ah oo qeexaya waqtiga ay Gunners dhisi doonto Masaajidka, balse waxaa la rumeysan yahay inuusan ka fogaan doonin garoonka Emirates, ama ugu yaraan xerada tababarka ee London Cloney.

Qol

Arsenal ayaa noqon doonto kooxdii ugu horeysay ee Masaajid ka dhista meel u dhaw garoonkeeda, inkastoo ay jireen kooxo qolal lagu tukado u sameeyay muslimiinta garoonkooda soo xaadira oo ay ka mid yahiin: Liverpool Iyo Arsenal.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS