Tababare Arsene Wenger Oo Diiday Inuu Saxaafadda Uga Waramo Arimaha La Xiriira Shkodran Mustafi

  Friday August 12, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
.

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenegr ayaa diiday inuu saxaafadda uga waramo arimaha la xiriira xiddiga ay ku raad joogaan eeShkodran Mustafi, iyadoo saxaafadda qaar ay sheegeen in xidigaan reer Jarmal uu ogolaaday u wareegista kooxda ka dhisan waqooyiga London.

Wenger oo ay saxaafadda su’aalo ku weydiinayeen shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka Liverpool ayaan wax jawaab ah ka siinin halka ay marayaan arimaha Mustafi.

Mustafi

“Waxba kuuma sheegi karo” Ayuu yiri Wenger oo la hadlayay warfidiyeenada, “Maanta waxyaabaha ugu weyn ee aan diiradda saareyno maahan suuqa kala iibsiga, madama aan 48-saac kadib leenahay kulan weyn iyo inaan guuleysano kulankaas, arimaha suuqa nama caawinayaan”

“Waxaan heysanaa koox xoogan, waana inaan la xaalnaa kulanka” Ayuu yiri Wenger mar kale isagoo dhinac isaga riixaya su’aalaha la xiriira Mustafi.

“Waxaan luminay sadex xidig oo daafaca dhexe ah, Koscielny diyaar uma ahan kulanka Liverpoo, waana maqan yahay kulankaan, balse waxaan aaminsanahay inaan si fiican isku qalabeyn doono”

Si kastaba Wenger ayaa sidoo kale u sheegay saxaafadda iney dhawaan saxiixyo sameyn doonaan isla markaana ay soo bandhigi doonaan, balse haatan aysan aheyn waqti ku habon in laga hadlo arimaha suuqa kala iibsiga.

Ugu dambeyntiina Wenger ayaa sheegay inuusan kaliya diirada saari doonin soo iibsashada daafac dhexe, balse uu suuqa kasoo iibsan doono xidigii tayo leh.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS