RASMI: Adnan Januzaj Iyo David Moyes Oo Dib U Midoobay – Xiddiga Man United Oo Ku Biiray Sunderland.

  Friday August 12, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
.

Kooxda Sunderland ayaa dhameystirtay saxiixa Adnan Januzaj iyagoo amaah hal xilli ciyaareed ah uga soo qaatay kooxda Manchester United sida ay xaqiijiyeen goordhaweyd labada kooxood.

21 jirkaan reer Belgium ayaa noqonaya saxiixii seddexaad ee tababaraha cusub ee Sunderland David Moyes ka dib markii uu sidoo kale ciyaartoyda kala ah Paddy McNair iyo Donald Love uu kala soo wareegay Man United khamiistii.

Adnan Januzaj ayaa dheeri ku ahaa tayada ciyaartoy ee uu u baahnaa tababaraha cusub ee Manchester United Jose Mourinho, waxaana isbuucyadii ugu danbeysay lagu qasbay inuu tababar la qaato da’ yarta kooxda taasoo ka careysiisay ciyaaryahanka.

Adnan Januzaj

Laakiin Januzaj oo amaah ku joogay xilli ciyaareedkii hore Borussia Dortmund ayaa haatan xilli ciyaareedka soo socda waxa uu ka hoos ciyaari doonaa tababarihiisa hore David Moyes kaasoo ay dib u midoobeen.

David Moyes ayaa Adnan Januzaj siiyay fursadiisii ugu horeysay markii uu joogay Manchester United, waxaana tababaraha haatan ee Sunderland uu wacad ku maray inuu qaab ciyaareedka ugu fiican ka soo saari doono da’ yarkaan mar kale.

“Adnan waxa uu ina siin doonaa tayo ka duwan tan aan heysano” ayuu yiri David Moyes. “Waa inaan ku celiyo heerkii uu ka ciyaarayay labo sannadood ka hor.

“Waxa uu heli doonaa fursad kasta oo uu shaqada ku qabsado. Waxaan rajeynayaa in taageerayaasha Sunderland ay arkaan Adnan Januzaj-ka runta ah.”


NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS