RASMI: FA-ga Oo Xaqiijiyay In Paul Pogba Uu Ganaax Ku Seegayo Kulanka Ugu Horeeya Xilli Ciyaareedka Premier League Ee Man United Ee Axada & Sababta Loo Ogaaday.

  Friday August 12, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
.

Xiriirka kubada cagta Ingariiska ayaa soo saaray liiska ciyaartoyda ka ganaaxan kulamada ugu horeeya xilli ciyaareedka cusub ee Premier League waxaana liiskooda ku jira saxiixa cusub ee Manchester United Paul Pogba kaasoo ganaax ku seegaya kulanka ugu horeeya kooxda ee ay axada la ciyaari doonto Bournemouth.

Xiddiga reer France ayaa dhameystiray heshiis rikoorka adduunka ah oo ugu biriay Old Trafford horaantii isbuucaan laakiin waxa ay u muuqataa inuusan diyaar u ahaan doonin kulanka ugu horeeya ee xilli ciyaareedka.

Paul-Pogba-poses-after-signing-for-Manchester-United

Xiriirka kubada cagta Ingariiska ayaa sheegay in Pogba uu hal kulan oo ganaax ah baaqi ugu ahaa dalka Talyaaniga taasoo haatan loo soo wareejiyay Ingariiska.

“Waxa uu labo jeer qaatay calaamado digniin ah kulamadii Coppa Italia ee xilli ciyaareedkii hore taasoo keentay in hal kulan uu ganaax ku maqnaado. Ganaaxaas ayaa la soo wareejiyay.” ayay FA-ga sharaxaad ku bixiyeen.

Cpp6m2MXgAAnsJr

Pogba ayaa noqday xiddiga ugu qaalisan kubada cagta dunida markii uu ku laabtay Tiyaatarka Riyada, waxaana heshiiskiisa si rasmi ah loo shaaciyay subaxnimadii Talaadada.

Waxaa la filayay inuu kulankiisii ugu horeysay safto axada ka dib markii uu ka soo wareegay Juventus laakiin FA-ga ayaa haatan shaaciyay inuu ganaax ku seegayo.

Xiddigaha kale ee bilowga xilli ciyaareedka cusub ganaaxa ku seegaya horyaalka Premier League waxaa ka mid ah xiddiga Tottenham Moussa Dembele, daafaca Man United Chris Smalling ayaa isna ganaax ku maqnaanaya kulanka Bournemouth, halka Robert Huth uu ka maqnaanayo Leicester City.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS