Wax Ka Ogow Ururka Baay Youth Unity"BYU", By Mohamed Ali Abdurahman

  Thursday August 11, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
.
TARIIKHDA MIDOWGA ( BYU)
Midowgaani fikirkiisu wuxu socdey ilaa iyo mudo dhowr sano ah fikir iyo latashi dheer kadib allah subxaanahu watacalaa wuxu sura galiyey in lahelo rag udhabar adeega kuna dhiirta in ay ururkan dhidabada utaagaan ayadoo lala jaanqaadayo marxalada dalka uu marayo.
Kulankiisa ugu horeeyey waxa lagu qabtey guri kuyaala degmada dharkenley ee caasimada muqdisho ,
Kulankaasina waxa looga hadley sida ugu wanagsan uguna macqulsan ee midowga loodhisi karo loona howl galin karo
Kulankasina wuxu dhacay 25th/may/2011 malinimo arbaco ah waxana isugu yimid ragii aadka ugu hamuunta qabey in ayaas aasaan midow ay ku mideysan yihiin dhalinta iyo guud ahaanba bulsha weynta gobolka .
Kulankiisii xigey waxa laqabtey isla arbacadii xigtey oo ay tariikhdu ku beegneed 1/6/2011 waxana halkaas lagu doortey madaxda midowga.
intaa ka dib daruufaha iyo dhibta ka jirtay wadanka nooma ay aysan suura gelin inaan sii wadno arimaha ururka balse waxaa hadane shaqadii ururka dib u bilaawney Augst 2015.
UJEEDOOYINKA URURKA BAAY YOUTH UNITY.
·In lala dagaalamo jahliga dhanwalba.
In laga shaqeeyo isdhaxgalka dhalinta iyo gebi ahaanba bulshada gobolkaasi.
·In sare loo qaado tayada waxbarasho ee ardada gobolka baay.
BARTILMAAMEEDYADA GAARKA AH
vIn ardaydu helaan fursad waxbarasho oo tayo sare leh.
vIn dadka yaryar iyo kuwa waaweynba loo abuuro xirfado ay ku helikaraan fursado shaqo.
vIn dugsi kasta, tuulo kasta, iyo degmo kasta la baro siday ugu samaynsan lahaayeen adeegooda waxbarasho inuu noqdo mid waara oo isku filan.
intaa ka dib
midowga fadhigiisu waa gobolka Baay iyo gobolka Banaadir
daruufo jiro awgeed midowgu wali ma uusan helin xafiis si toos ah uga hawl galo balse haduu alle idmo waxaan rajaynaynaa sida ugu dhaqsiyaha bdn inaan ku helno xafiis

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS