Xulka qaranka 17 – jirada wadankeena Soomaaliya ayaa ciyaar goor dhaweed soo idlaatay waxa ey guul taarikh ah ka gaareen dhigooda Sudan oo ey marti ugu ahaayeen garoonka weyn ee caalamiga khartuum stadium.
| Saturday September 22, 2012 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
.
Xulka qaranka 17 – jirada wadankeena Soomaaliya ayaa ciyaar goor dhaweed soo idlaatay waxa ey guul taarikh ah ka gaareen dhigooda Sudan oo ey marti ugu ahaayeen garoonka weyn ee caalamiga khartuum stadium.
Kulanka oo ahaa mid ey ka soo qeyb galeen taageerayaal fara badan oo isugu jiray
Soomaali iyo Sudan,, ayaa hadane taageerayaashaa xulka wadankeena Juunyarka
Soomaaliya ey aad u soo buuxdhaafiyeen garoonka iyadoo ey ka muuqatay xamaasada
ey la heed ciyaarta.
Qeybta hore ee ciyaarta ayey labada wadan waxay isla dhaafi waayen 0-0, inkastoo
xulkeena fursado badan ey qasaariyeen. Hasa ahaatee waxay soo bandhigeen kubad
aad loo jecleestay.
Markii leysku soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa waxaa meesheedii
ciyaarta maamuladeedii ka sii wadatay xulka wadankeena Soomaliya taaso sababtay
in ey ciyaarta wax ka badalaan natiijadeeda oo ey ka dhigeen 1-0 daqiiqada
marka ey mareesay 78 waxaan goolka u dhaliyey xulka wadankeena Soomaaliya.
Laacibka lagu magacaabo Maxamed Cabdi Nuur oo lagu naaneeso Maxamed Meyman una ciyaaro kooxda kubada cagta ee LLPP Jeenyo u xertana xulka wadanka numberka 7-aad .
Ciyaarta ayaa waqtigii loogu tala galayayaa ku soo idlaatay 1-0 oo ey guusha ku
raacday xulka da’yarta wadankeena Soomaliya.
Maxamed Sheekh Maxamed
Muqdisho-Somalia

NO COMMENTS