KOOBKA KUBADDA CAGTA EE ØSTFOLD 2012

  Thursday September 20, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
.

Tartan cayaarta kubada cagata ah ayaa waxa shaley oo taariikhdu ku beegneyd 19.09.2012 ka dhacdey magaaladaa Fredrikstad.


Cayaartan oo ay soo qaban qaabiyeen maamullka jaaliyada ee magaaladatanFredrikstada ee gobolka østfold ayaawaxaa ka soo qayb galey kooxaxa ka dhisan magaalooyinka oo u uka kooban yahay gobolkan marka laga reebo kooxdii u cayaareysey magalada Moss oo ayaga uga baaqdey koobkanshuruudihii laga rabey ay buuxin waayeen awgeed ayaa waxaa bedelkooda ka soo qayb galey koox ka socotey magaalada Hortan oo iyada ka baxsan gobolka Østfold.


Kooxaxa ka soo qayb galey koobkan ay bixiso jaaliyada soomaalida ee Fredrikstad ayaa waxay u kulmeen sida tan:


Group A: Sarpsborg vHalden 1

Blue star vFFK 1

Group B: Hortan vHalden 2

Hagardiid v FFK 2


Cayaar xiiso badan kabid ayaa waxaa wareegii koowaad cayaarta kasoo gudbey GroupAkooxdii ku cayaareysey magaca Halden1iyo kooxda kale ee Blu star oo iyada ka socotey magaalada Fredrikstad.


GroupB waxaa isugu soo harey Hortan iyo Hagardiid oo ah koox ka dhisan Fredrikstad. Xooxwalbo waxay meesha kusoo bandhigtey cayaar wanaag iyo wixii awoodeeeda ah oo ay ku hanan lahayd koobka jaaliyada soomaalida ee Fredrikstad ay bixiso. Karoonka ay cayaartu ka dhaceysey shaley ayaa waxaa aad usoo buuxiyey taageerayaasha kooxaxa cayaartu dhexmareysey.


8dii kooxood ee taratan ka soo qeyb galey wax ay is jafaan oo ay midba midka kale u awood sheegtaba waxaa ugu danbeeyn ama FINAL isugu soo baxay 2da kooxood ee xidigaha Halden1 iyo xidigaha xulka ee Bluestar oo ah koox ka socotey magaalada fredrikstad. Labadan kooxood ee isugu soo baxay FINALKA ayaa waxay soo bandhigeen cayaar xiiso badan iayadoo midba midka kale uu ku cayaarayey sidii uu koobkan ula caraabi lahaa ama uu u xanbaarsan lahaa.


Sikastaba ha ahaatee kooxda bluestar ayaa usuuroobi weydey riyadeedii ahayd inay ku guuleysato koobkaan. Kooxda halden1 ayaa u awood sheegatey Bluestar guushana kaga qaadey 2 iyo 0 (labo iyo eber) .


Koobkan oo ay soo qaban qaabiso jaaliyada soomaaliyeed ee Fredrikstad ayaa sanad walbo xiliyada sammerka lagu qabtaa magaalada Fredrikstad ee gobolka Østfold ee dalkan Norwey kaas oo ay jaaliyadu ugu talagaleyso sidii ay kor ugu qaadi lahayd hamiga sports iyo isdhaxgalka ee dhalinyarada ku nool gobolkan østfolld.


Mana ahan markii ugu horteysey ee ay jaaliyadu qabato koob noocaan oo kale ah waxaase sanadkan xusid mudan oo gacan ka geystey koobkan iyo qabsoomida cayaarahan XAWAALADA BAKAAL qaybteeda magaaladan Fredrikstad .


Masuuliyiinta jaaliyada soomaalida ee isku soo dabaridey cayaarahan oo kala ah Xog-hayaha guud ahna Kusimaha Gudoomiyaha Jaaliyada Abihakiim Axmed Geelle iyo Abdirixiin Xaashi oo ah gudoomiyahasportiga, jaaliyada ayaa kooxixii galey kaalimaha 1aad 2aad iyo 3aad, gudoonsiiyey koobab iyo bilado ay ugu talagaleen. Jaaliyada soomaaalida ee Fredrikstad oo La aas aasey sanadkii 2008dii ayaa waxaa soo marey ilaa iyo 3dax maamul iyadoo maamulkan uu noqonayo kii 3aad ee ugu danbeeyey iyo kii ugu wax qabadka badnaa tan iyomarkii jaaliyadu la aas aasey.





NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS