Si Kooban Oo Aad U Fudud Ku Baro Afka Dabarraha iyo Afka Maay-maayga Farqiga Yar Ee U Dhaxeeyo.

  Thursday April 23, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
.

Afka Dabarraha iyo Afka Maay-maayga waa isku qoraal waxa ay kukala duwan yihiina waa xarfo aad uyar oo aan soo sheegi doono.hadii alif-maayga lagu kordhiyo xarfahaasna umaba baahna in labo hingaad ay kala yeeshaan.Hadii aan tusaale usoo qaadano waxa ay isaga midka yihiin waa shibanayaasha oo ah:

Shibanayaal oo 24 harfood ah

B T J Jh TH D R S SH DH G GH F Q K L M N P NG NY W H Y

Shaghal oo ah (shan shaqal gaab iyo shan shaqal dheer)

A E I O U

AA EE II OO UU

intaasi aan kor kusoo sheegay waa isugu mid oo waxba kuma kala duwana hingaada afka maayga iyo hingaada afka dabbaraha.

Waxaa marka jira hal xaraf oo hingaada afka maayga leedahay waloow uu qilaaf yar oo xaga qoraalka ah uu jiro oo qaar ay yiraahdee Y marka ay shibane ay kadanbeyso waxaa loo akhrinayaa sida ( I ) loo akhriyo oo shaqal bay noqotaa dad kale ayey waxa ay qabaan in Booska xarafkaasi lagu bedesho ( H ) ayada oodhawaaqa h-da aan la muujineynin ee xafarkaasi ku dhamaada.Tusaalooyin hadii aan idin siiyo kala duwanaanshaha hingaada afka maayga dadka isku hayaa waxaa ka mid ah.

Hoorrih ama Hoorry--oo micnaha uu yahay aqal soomaali

Dubuh ama Dubby--oo micnaha uu yahay dibbi

Lamah ama lamy-- oo micnaha uu yahay 2 labo

Teesih ama teesy--oo micnaha yahay Tixsi

Qoraalka afka Dabbaraha Ma uusan qaadan Labadaasi xaraf ee qilaafka dhaliyey midna wuxuuna hingaadaasi kaga duwan yahay asaga oo isticmaala shanta shaqal oo hakad korsaaran ( a' e' i' o' u' )oo markaa loo adeegsado hadba shaqalkii dhawaaqiisa fudud oo habbadka kasoo go'a dhawaaqaas.hakadka caadiga ah ee lagu kala reebo shaqalka waa ka duwan yahay kani maxaayeelay shaqalkan hakadka dusaaran ereyga ayuu ku dhamaadaa.tusaale yaashaasi sare ku qoran hadii aan soo qaato anigoo afka Dabbaraha ku qoraya.

Hoorra' = aqal somaali

Dubbu' = dibbi

lama' = 2 labo

Tiita' = tixsi

Waxaa kaloo jira Afka maayga Shibane ay isku qilaafeen qoraalkiisa oo aan anagu doorbidnay inaan mid kamid ah qoraaladaas aan qaadano kuwaasi oo kala ahaa ( NY iyo Y' ). anaga waxaan qaadanay shibanaha NY.

Tusaalooyin hadii aan idin siiyo oo kusaabsan shibanayaashaasi waa sida tan:

1-Nyaanyuur ama y’aay’uur = Bisad ama Mukulaal.
2-Maanya' ama Maay’y= Bad .

3-Nyaanya' ama Y'aay'y = yaayo.

Waxaa markaa Hingaada Afka Dabbaraha uu qaatay shibanaha NY oo runtii akhrinta iyo qoraalba kaga fudud Y'.

Halkan hoose waxaad ku arki doontaan Tusaalooyin qaar kamid ah xuruufo aan horey ugu jirin afkii Maxaatiriga ahaa ee qornaa. marka waxay nala noqotay inaan idin siino tusaalooyin si aad u garataan dhawaaqa xarfahaas.

P

Xarafka ( P ) waxaa la adeegsadaa marka xarafka ( b ) uusan xooganeen dhawaaqiisa.Faruuraha keliya ayuuna dhawaaqu kabaxaa.

apaal= Abbaal ( gratitude)

heped=Xabbad (chest)

Hapiipy =Xabiiba waa magac gabdheed

Lipeeg =Libaax ( lion )

Jh:

Xarafkaas dhawaaqiisa carabka marka uu dhabxanaqa uu kudhega ayuu kasoo go,aa xarafka J ayuuna shabahaa hayeeshee umana dhawaaq eka. tusaale kusaabsana xarafkana waa kan asaga oo af dabarre ah:

Mijhi' = Magac (Name)

jheb = Jabid( fracture)

jheer = Xishood (shyness)

jhiring =Tarar ( beard )

jheepy =Xaabo ama Qoryo( fire wood )

Th:

Xafarka kani wuxuu u dhawaaqaa sida xarafka hingaada carabiga ah ee "daal" ama afka ingiriiska ee 'the' , waxaana la adeegsadaa marka dhawaaqa xarafka "d" uusan xooganeen. Tusaalooyin kusaabsa xafarkana waa sida tan:

mathal=Ballan (appointment)

etheb = Adaab ama Akhlaaq (politeness)

matha' = Madax (head)

mathoow =Madoow (black)

Gh:

Xarafkani wuxuu dhawaaqiisa shabahaa hingaada afka carabiga xaraf kamid ah"ghain " waxaana la adeegsadaa marka dhawaaqa xarafka "g" uusan xooganeen. Tusaalooyin kusaabsa xafarkana waa sida tan:

ghorof =Weel xoolaha lagu liso oo geed laga qoray.

aghaar =Cagaar (green)

migheed= Tubaakada dadka cuna walax cad oo ay kudaraan markay daanka gelinayaan.

lugha' = Lugaha (legs)

Ng:

Xarafkani wuxuu u dhawaaqaa sida ereyo ingiriiska kamid ah marka ay kudhamaadaan "ng" sida ay u dhawaaqaan oo kale. (eg. morning, caring, helping)

angkaar =Habaar ama inkaar (curse)

oong= Haraad (thirst)

ming = Guri (house)

lang=Nin (man)

sang =San (nose)

Buurhakaba Media

Kala Soo Xariir

Faceboook: Buurhakaba Media

Email: Buurhakabamedia@outlook.com


4 COMMENTS

  1. mohamed baraf

    Thursday September 08, 2016 - 02:42:24

    waad ku mahadsan thy sida wngsn aaf inooga fududeysey walal

  2. Maxbuub Dahir Xuseeen

    Saturday August 22, 2015 - 20:50:37

    waxaad ku mahadsan tihiin walaalahga qaaliga ah tallaabooyinmka hormarineed ee aad u heysaan Burhakaba. waxaad ogtihiid marxalada hadda la joogo qof walbo madax loo doorto uma daneynayo shacab ee waxaa uu u ordayaa horumarkiisa shaqsiyadeed iyo mida qowmiyadeed taasna waxaa ka fiican in qofka uu u istago dhalin horumar guud ah idinkuna Bahda Hakaba Janay runtii tallaabo lama ilaabaan ah baad ku socotaan waxaana idiin rajeynaynaa in aad ahaataa kuwo jira oo jooga. mahadsanidiin

  3. Omar Hagi Ibrahim

    Saturday August 08, 2015 - 11:06:45

    Waad ku mahadsantihiin dhalinyarta u tagan in ay kor u qaadan magaca degamda Burhakaba kan gobolka iyo kan Digil Mirifle intaba, Bahda Hakaba janaay waxaan idin leyahay allaha idin fududeeyo dadaalkiinana badayi Inshaa Allah hormar waalagaari doonaa, Anaga hadaan ka faaidaysan fursadan caruurtena ayaa ka faaidaysanaayo waayo hada Technology aya loo badalay wixii oo dhan. Thanks Best regards, Omar Hagi Ibrahim Burhakaba Somalia, Howlwadag village Skype Id: o_bille

  4. amiir nuur

    Wednesday July 15, 2015 - 01:08:52

    waad ku mahad san tihiin bahda hakaba janay

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS